Jijig: Fursadaha Dumarka Kalida Noolka oo ka Furmay Kilalka

 

ISI -womenJijiga, May 30, 2014 – Fursado qaali ah oo loogu talogalay Dumarka kalida nool [single mothers], ayaa ka furmay Ismaamulka Somalida Itoobiya [ISI].

Tan iyo intii Atoobiya, ay bilowday hanaanka dagaal ee ay kula jirto ururuka gobonimodoonka ONLF, waxaa kordhaya tirada dadka jilicda san ee u safraya Ismaamulka.

Maamulka Madaxwayne Cabdi Iley, ayaa kolkii ugu horaysay wuxuu gacanta ku dhigay dadka nolosha ka dhacay ee ku nool dalalka dibada. Kuwaas oo maamulku siiyey nolol bilaash ah iyo baladwad raaligalisa naftooda [welfare vices].

Maamulku wuxuu dadkaas ku sheegaa in ay yihiin Qurbo joog dalka dib ugu soo laabtay, oo samaynaya maal gashi si uu u soo jiito, inta aragtida gaaban.

Sanad ka hore ayuu Ismaamulku bilaabay qorshe lagu soo dhawaynayo Haweenka kaligood ku nool dalalka reer galbeedka (single mothers). Kuwaas oo ah dadka ugu dhibaatada badan, Qurbo-joogta ku nool reer galbeedka.

Qorshan cusub ee haweenka kalida nool, waa fursad safar bilaash ah oo ay ku soo arkayaan degmooyinkii ay u dhasheen iyo qaraabadood. Waxaa kale oo ay helayaan dalxiis Jijigaad sida; casho sharaf, riwaayado iyo ragba. Waa arin rag ka rooni ah, oo u soo baxday haweenka kalida nool ee ku dhibaataysan Qurbaha.

Itoobiya, ayaa u adeegsanaysa dadka jilicdasan ee Somalida Ogadeeniya, aragti la mid ah midii uu Ingriisku adeegsaday sanadkii 1788, kolkii uu u safriyey Australia dambiilayaal xabsiyada buux dhaafiyey. Sanooyin ka dibna uu ka daba geeyey haween aan rag lahayn, iyada oo ay dawladu u balan qaaday in ay helayaan rag. 1906 waxaa abuurmay dawlada wadaaga ah ee Australia, ka dib kolkii ay karti muujiyeen maxaabiistii iyo haweenkii laga daba geeyey.

Sharciga ka jira Atoobiya, ma ogola in dadka aqoonta leh ama bulshada waxtarka u leh ee dibada degan ay ka qaybgalaan shaqooyinka iyo arimaha horumarinta bulshada.

Hadaba siyaasadan ay adeegsanayso Atoobiya, waxay mar mar soo jiidataa dadka madax-gaabnida ah ee hore u taageeri jiray gobonimodoonka ONLF.

Haddii ay u hirgasho siyaasada ay ku qaadanayso bulshada inteeda aan faa,iidada lahayn [disadventage people], waxay abuuri kartaa in ay hesho fursad ay ku jaha wareeriso kuwa badan oo indho ku garaadle ah.