Jees Jees Ugaas Loo Dilyeey Yaa Jid Bixindoona

 

Waa tix gabay ah oo loo tiriyey Jaango, waxaana tiriyey Abwaan Subxaanyo, kolkii aan maqlay magaalada London ayey dad sumaysan oo u adeega Ina Cumar Cismaan, ay ku weerareen caaqilo, soo salaamaya m/weynaha dawlada degaanka Somalida oo booqasho ku joogay London.

Waxaa la sheegay in dad koox ah oo is uruursaday ay jidka u galeen cuqaasha, ka dibna waxyeelo jidh iyo niyad gaadhay cuqaasha. Dadka weerarka qaaday waxaa watay baa la yidhi Jaango, oo lagu yaqaanay Fanaan, hadase na loo sheegay in uu ka mid yahay golaha Kooxda Caasmara.

Jees Jees Ugaas Loo Dilyeey Yaa Jid Bixindoona

Ja,ada gabay ninkaan jiin ka baran wuu jaha wareershaaye
Jujuub gabaygu kuma fiicna iyo waan jajabiyaaye,e
in jidkiis la mariyuu rabaa oos jabaq dhawaaqaaye
hadii kale jidiinka iyo qalbigu jahawareershaaye.

Jidkii Oogle aw Biixi iyo Jaamac iyo Faarax,
Jagnow Raage Luuqduu jarjaray ee gabay Jihayntiisa
Johorada ragii siday xigmada jabaqada luuqdeena
Maandhow aakharay wada jiraan Jaamud iyo Baynax
Jano Eebow sii iyo waxay jamato laabtoodu

Dadkii gabayga jaadka u lahaa iyo johoradii raage,
Qorma jare Qamaan iyo Cartiyo iyo qodabadii jeefad
Jigrow gorod jibriil Maax Hudliyo jaafadii gabayga
Jidna kuuma galo oo waa horaad jiifto tirin layde

War waad Jahawareertee gabayaa ma aha jaadkaase
Jwxo-shiil, jidkiisaad martood waad jara gariirtaaye
cod xabeeb jiqsiisaad intaa jarabaraysaaye
ka joog gabaygu jaadkaad taqaan ma ah jaalowe

Ja,adda gabay jacayl ii maqaban qalin ku jiidkiise
Hayeeshee Jawaab wawhayaa Jiis gabyoo idile
Jaangiyo kuwaa juuqda gala ee jidadka joogjooga
Caaqilada horjoogyada bulshada johoradeeniiya
Jeebkooda kii laaca ee Jabiya feedhooda,
Jeel in ay galaan iyo in ay feedhi jabi doonto
Cafis in ay Jawaabtoodu noqon Jaalow maan garane


Taariikdu way jiri intaa dunida joognaaye
ninbase meel umbuu joogsan oo Jaa,isow heliye

Jwxo-dii jidkeedii lumay ee jananku googoostay
ee Ehelkii jeelka u ahaa midaba jees aaday,
Jaangow in aad ka hakataa kugu jid weeyaane
oo Jeedalkaad wadatid iyo Budhkaba jeeka galisaaye
Hadii kale Jiscimo xumaha aad Jeeska galinayso

Is jirjirinta Jiiftaan aqaan adigoon Jaanqaadin
Waa waxa Jabhada been ah uun kugu jaqaafayne
Waa waxa tolkaa kaa jaray ee Buufis kuu jaline
Jala,a gabay jin baa kuu wacoo jaas xun kuu tumaye

Jaas in aad ciyaartaa wacnayd iyo jaqafyadaadiiye
ha jajabin naxwaha jaafigaa ee gabayga loo jiibsho
u janjeedhso jaaskiyo dhuflaha dumarku kuu jiibsho

rasaasa.com