Jawaabaha Su,aalaha Akhristayaalku na Soo Waydiiyaan

 

Su,aal ay na soo waydiiyeen qaar ka mid akhristayaalka Bogga rasaas.com, oo ku saabsanayd Bayd Gabay ah oo aan ka soo qaadanay gabay uu tiriyey nin abaawaan aha ayaa waxay akhristayaalku lee yihiin, kumuu ahaa Abwaanka iska lahaa gabayga aad Meeriska ka soo daabacdeen ah [Ugaaskooshinkan iyo reer xirsaga eedu kala gaadhay waa aabahay iyo hooyaday ubaxyadoodiiye af lagaado keebaan u dire waysla anigiiye, saxardiid miyaan ahay dibaa saarta hooyadiye].

Si aanu u raali galino akhristayaalka Bogga rasaas.com, ayaa Su,aashaas waxaanu hordhignay oo aanu la kaashanay dad aqoon dheer u leh suugaanta Somalida gaar ahaana mida Somalida Ogadeeniya, waxayna noo cadeeyeen in gabaygaas uu lahaa Abwaan Qowdhan Carte Xuseen Allaha uraxmee. Waaxaa kale oo ay noo sheegeen in ay jireen gabayo badan oo muddo socday oo ay ka qay qaateen dad badan oo labada dhinac ka kala socda sida silsiladii Guba.

Arimaha Dhaqanka
rasaas.com