Jamhuuriyada Jabuuti iyo Maamulka Somaliland oo Mad Madow Soo Dhexgalay

 

Hargeysa, November 03, 2011 [ras] – Ciidamada maamulka Somaliland oo maanta hakiyey dhaqdhaqaaqa xadka u dhaxeeya Jabuuti iyo Hargeysa, walina ma cada sababta ay maamulka Somaliland u xidheen xadka.

Dhawaan ayey ahayd kolkii madaxweynaha Jabuuti si furan u cabiray dareenkiisa, kol uu su,aal waydiiyey warayska afka Faransiiska wax ku qora ee Jeune Afrique. Madaxweynaha ayaa yidhi “Somaliland way deg degtay calan iyo lacag ayey iska samaysatay xor baan nahay ayey dhaheen, waxay kala hor mariyeen dambeerka iyo alwaax uu jiido.”

Hadalkaas madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxaa si xun u calaanjiyey war baahinta maamul gabaleedka Somaliland oo qaarkood af lagaado qoren.

Xidhida xadka ayeyna wax hadal ah ka bixin maamulka Somaliland, laakiin waxay aad uga cadhaysiisay dadweynaha reer Jabuuti, oo degaano ku leh maamulka Somaliland.

Hadii ay ciidamada maamulka Somaliland sii wadaan xidhida xadka, waxaa iman karta in uu xumaado xidhiidhka u dhaxeeya jamhuuriyada Jabuuti iyo maamulka Somaliland.

Xidhiidhka u dhaxeeya Jabuuti iyo maamulka Somaliland, ayaa dhawr goor oo hore xumaaday labada dhinacna ay ciidamo xadka dhoobeen, laakiin markii dambe laga heshiiyey.

rasaasa.com