Jabuuti oo la Geeyey 10 Mayd ah iyo Toban Dhaawac ah

 

Djiboutian-ContingentJijiga, March 20, 2014 – Ciidamada Jabuuti ee ka hawlgala gabalka Hiraan, ayaa dhawaan magaalada Buule-burde weerar culus ku ekeeyey ururka Dhalinyarada ee ka dagaalama dalka Somaliya.

Dagaalkaas oo ay dhalinyaradu weerar kadis ah ku beegsadeen ciidamo Soomaaliya iyo kuwa dalka Jabuuti ayey waxyeelo wayn gaadhsiiyeen ciidamada wata magaca AMISOM oo dhamaantood ahaa ciidamada Jabuuti. Waxaa kale oo ay dileen taliyihii ciidanka Soomaaliya ee gabalka Hiiraan.

Werarkaas oo ahaa kii ugu xumaa ee gaadha ciidamada Jabuuti tan iyo intii ay galeen wadanka Soomaaliya Bishii November 16, 2012.

Dhinaca kale waxaa hakad galay dagaalkii ay wadeen ciidamada AMISOM, ka dib kolkii uu khilaaf soo kala dhexgalay madaxda Soomaaliya iyo madaxda Atobiya. Khilaafkaas oo ku saabsan cida loo magacaabayo degmooyinka laga xoreeyey dagaal yahanada dhalinyarada Soomaaliyeed.