Jabhadda Xoraynta Somali Galbeed [Jwxo] oo WarSaxaafadeed ka Soo Saartay Xaaladda Adag ee ay ku Jiraan Dadweynah Somali Galbeed

 

Warsaxaafadeedkan oo ayaa waxaa uu nagu soo gaadhay e-mail uu noo soo diray xafiiska warfaafinta JXSG, warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu soo koobay afar qodob oo muhiim ah, kana turjumaysa xaalada keentay in Jabhadusoo saarto warsaxaafadeedka.  Warsaxaafadeedka ayaa waxaa uu u qoran yahay sidan; JXSG

Ref: – 2005-UWSLF
Date: – 12/8/09

1. Ururka Wuxuu Cambaaraynayaa Aadna uga walaacsanyahay Dhibaatadda Ciidamadda Gumaysiga Itoobiya ay ku hayaan  Shacabka S/galbeed, Dhibaatooyinkan oo markii horaba ahaa kuwo aad ubadan oo isagu jiray Dil, Dhac, Kufsi iyo Xadhig Ay ku hayeen Shacabka Dhulkaa ku dhaqan Ciidanka Tigreegu ayay hadana laba jibaareen kuwo horlana ku dareen.

2. Dhibaatooyinka Cusub ee Ururka aad u Cambaaraynayo Waxaa ka mid ah Xoolaha Tiradda Badan ee ay Ciidamadda Gumaysigu kusoo xareeyeen Xeryaha Ciidamadda Gumaysigu ku leeyihiin Magaaladda Godey, Xoolahan oo ah Kumayaal Neef oo isagu Jira Geel, Adhi iyo Lo ayay Ciidamadda Gumnaysigu Kasoo Kaxeeyeen Dhulalka Miyaga ah waxayna ku xareeyeen Xeradda Weny Ee Birgaydhka la yidhaa ee kutaala Magaaladda Godey, Waxayna bilaabeen inay xoolahaa Qaar ka mid ah Qashaan Ciidanka Gumaysigu.

Waxaa kaloo la sheegayaa inay Xoolahaasi qarka usaaranyihiin inay udhintaan hadda wixii ka dambeeya Gaajo iyo Oon waxaana markii horaba gobalkaas kasii jiray Abaaro iyo Kulayl aad udaran kaasoo markii horaba xoolahani la itaaldaraayeen Abaartaas iyo kulaykaas, Ururku wuxuu ugu baaqayaa Gumaysiga Itoobiya Inay sida ugu dhakhsaha badan Xoolahaas Loo siidaayo.

3. Waxaa kale Ururka Camabaaraynayaa Kumayaalka Maxaabiista ah ee Ka buuxa Jeelasha kuyaala Xeryaha Ciidamadda Gumaysigu ku leeyihin Dhulka Lagumaysto ee S/galbeed Kuwaasoo ah Dad shacaba oo aan waxba Galabsan, Sanooyin badana iskaga jira Jeelashaas, kuwo badana ay Dhibaatooyinka loo gaysanayo iyo Xanuuno ugu dhinteen Jeelashan Dhexdooda, waxaana ugu Baaqaynaa Gumaysigu Inuu Dadkaa Uceliyo Xoriyadoodii.

4. Ugu Dambayn Ururku Wuxuu ugu Baaqayaa Hay,adha Ka shaqeeya Gargaarka inay Gobalkaas la gaadhaan Kaalmo Si dadkaa Dhibaatadda Abaaraha iyo mida Gumaysiga looga samata Bixiyo, Sidoo kale waxaan ugu Baaqaynaa Qurba joogta iyo Jaaliyaadka u Dhashay Gobalka  Inay Ka qayb qaataan Samatabixinta Dadkooda Abaaraha iyo Dhibaatada Gumaysiga la ildaran, Shacabkayagana Waxaan leenahay u adkaysta Dhibaatooyinka Baaxada weny ee Gumaysigu idinku hayo waxaan rajaynaynaa inay maalin uun Qoraxdu idiin soo bixi doonto Naftiina , maalkiina iyo Dalkiinoo Xor ah.

Xafiiska Warfaafinta
Midowga Jabhadda Xoraynta
Somali Galbeed