Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [Jwxo], Looma Dhisin in ay la Dirirto Ummada Somaliyeed

 

Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [Jwxo], waxaa loo aasaasay oo kaliya in ay gumaysiga Itobiya ka qaado warqada sharcidarada ah ee ay ku sheegato lahaanshaha Ogaden. Itobiya waxay si sharci daro ah ku haysataa Ogaden, iyada iyo Somaliyana waxaa u dhaxeeya xad beenaad ah ku meel gaadh.

Dadka degan Ogaden waa dad Somaliyeed, dadweynaha Itobiyana wey ogg yihiin in Ogaden ayna ahayn dad Itobiyaan ah inta uu jiro xadkaa beenta ah, laakiin khiyaarka in xadka beenta ah la sharciyeeyo waxay ku xidhan tahay dadweynaha Somaliyeed ee degan Ogaden, arintaas oo go,aankeeda ay talo ku yeelan karto ummada Somaliyeed.

Waxaa dhab in hadii ay doonaan dadka degan Ogaden ay ka mid noqon karaan Itobiya, hadii ay diidaana ayna waligood ka mid noqon karin dalka Itobiya, hadiise ay xornimo helaan waa sahal in ay Somaliya ugu biiraan.
Arimaha adkaynaya in Somalida degan Ogaden ayna ugu biirin Itobiya waxaa sal u ah saddex arimood; dhaqanka, afka iyo takoorka, saddexdan arimood waxay sahlayaan in Ogaden ay si sahal ah ugu biirto Somaliya.

Ma jiraan wax Somalida Ogaden ka celin kara in ay Itobiyaan noqdaan sidda dadka Somaliyeed ee degan waqooyi bari Kenya oo ay xaaladoodu la mid tahay mida Ogaden, oo aan hubo hadii maanta cod laga qaado oo la yidhaahdo ma Kenyaad rabtaan mise Somaliya in ay ku codaynayaan Kenya. Waxaa arintaas masuuliyadeeda leh dadka Somaliyeed ee Kenya degan ma qabaan wax takoor ah, sida dhaqaalaha oo laga takooro, tacliinta oo laga takooro, siyaasada oo laga takooro, shaqada oo laga takooro, ganacsiga oo laga takooro iyo arimo badan oo kale, hadii uuna takoorkaasi jiri lahayn waxaa dhici lahayd in xaalada Somalida Ogadeen ay sidan ka badalaan lahayd.

Arimahaas ummada Somalida Ogadeeniya way ka ooman yihiin, waxaana lama huraan ah in Itobiya ayna hurdo helin, kolban ay abuuranto Jabhad cusub oo dardarteeda qabta, waana mida haatan socota, inkasta oo ay maanta muuqato in ayna aataar dheer lahayn Jwxo oo wakiil u ahayd umada Somaliyeed ee degan Ogaden.

Jabhada ONLF, waxaa xaaraan ka ahayd in ay waxyeelo u gaysato shakhsi Somali ah ama la cilaaqtanto maamul Somali ah, waayo waxaas oo dhan waxaa ka weyn halganka ay gumaysiga kula jirto. 19kii sano ee uu socday halganka ay wado Jwxo, waxaa marar badan dhici jirtay in lagu khaldamo oo dhibaatooyin loo gaysto Madaxda iyo N/hurayaalka halganka wada, Jabhadu waxay qabtintay hadaad i disho anigu ku dilimaayo, waayo dilkaaga waxba ka heli maayo, hadii lay dhaco waan xaaltami, cid kasta oo colaad u qaada Jabhadu waxay kula dhaqmi jirtay siyaasad nabadeed, hadii ayna sidaas yeeli lahayna ma socdeen halganka ay wado ONLF.

Waxaa kale oo ay ONLF, ka dhawrsan jirtay in ay xidhiidh saaxiibtinimo ama iskaashi muuqda la yeelato kooxaha Somaliyeed ee ku dagaalamay Jamhuuriyada Somaliya, sidaasina waxay kaga nabad gashay ONLF, in loo nisbeeyo qabiil.
ONLF, waxay noqotay waxay ku dayato ummada Somaliyeed dhamaanteed iyada oo loogu yeedho, waa dad xaq u dirir ah, waa dadka kaliya ee ay Somalinimo ku dambayso, xiliyadaas intii lagu jiray waxaa ciidamada ururka soo galay dadweyne somaliyeed oo ka yimid Jamhuuriyada burbursan.

Kolkii ugu horeysay ee ONLF, la taftaafay waxay ahayd 2004, kolkii uu Jwxo-shiil Cabdulahi Yuusuf Daaroodnimo ula kulmay, isaga oo lahaa aniga ayaa Itobiya furaheeda haya oo idin heshiisiin. Intaa wixii ka dambeeyey waxaa ururka ONLF, hoos u sii dhacaysay sumcadiisa, Somaliland iyo ONLF way isku dhaceen, mabaadiidii halganku waxay qaaday jiho kale oo aan loo abuurin. Waxa ay soo socotaba, waxaa lama huraan noqotay in ay jabhadu laba garab noqoto si loo saxo siyaasada Jabhada, Jwxo-shiil wuxuu dabada la galay xukuumada Eritrea, waxaan uu dagaal ka riday meel walba oo Somaliya ah, waxaa kale oo xabad ka badiyey halgamayaal qaali ah, wixii ka dhashayna waa kana aan maanta midhaheedii guranayano.

Puntland, waxaa ay ka mid ahayd meelihii ugu dambeeyey ee ay gogoshu noo taalay xisaab la,aan, waxaa deganaa ugu yaraan kala badha masuuliyiinta Jabhada iyo xaasaskooda, xubnaha Jabhadu waxay ku lahaayeen ganacsi iyo xoolo, maantana waad arkaysaan waxa ka socda. Jwxo, xitaa maanta waxayna tagi karin dhulka ay degan yihiin dad ehelkood ah, dhibaatooyinkaas, waxaa masuuliyadeeda leh siyaasad xumada iyo xukun Jacaylka Jwxo-shiil, afarta wax ma garato ee la socota.

Ummada Somaliyeed meel ay joogtab waxaanu u sheegaynaa, in Jwxo-shiil xumaan lagu wado aan loo dhibaatayn dadweynaha Somalida Ogadeeniya iyo Jabhadaha ka dagaalama Ogaden, Jwxo-shiil waxaa uu masuul ka yahay dad yar iyo boggag beenta u faafiya, colaada lagu wado waxaan jecelahay in ay isaga iyo inta la socota ku koobnaato.

Arimaha Siyaasada
rasaas.com

rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo