Jaamacada Haramaya oo Gacanta ugu Jirta Ciidanka Booliska.

 

Haramaya-UniversityJijiga, May 5, 2014 – Banaanbaxyadii ay waday ardayda Oromada, oo istaagay iyo wadahadal u dhaxeeya siyaasiintii Oromo ee abaabulka lahaa.

Abbay Tsehaye oo ah la taliyaha raysal wasaaraha dhinaca degaanka, ahna rug cadaa TPLF, si gaarana u qaabilsan arintan, ayaa gaashanka ku dhuftay codsi ka yimid siyaasiyiin Oromo ah.

Abbay Tsehaye ayaa laga codsaday in uu dib u dhigo, qorshaha balaadhinta Addis Ababa inta la isla ogolaanayo.

Ardayda Jaamacadaha ayaa sugaya heshiis ay wada gaadhaan siyaasiyiinta Oromada iyo ururka TPLF. Walina waxay ka maqan yihiin Jaamacadaha, iyaga oo isu diyaarinaya mudaharaad xoog leh, hadii heshiis la gaadhi waayo.

Sanadkii 2003, Abbay Tsehaye ayaa diiday in Afka Oromada lagu daro afka laggaga shaqeeyo xasiisyada dawlada, xiligaas oo ay isku dhaceen siyaasiyiin oromo ah [Suleyman Dadafo], arintaas oo aan ilaa iyo hada laga wadahadal, laakiin ay sugayaan siyaasiyiinta OPDO.

Jaamacada Haramaya ayey maamulkeeda gacanta ku hayaan ciidamada Booliska, kuwaas oo xidh xidhay arday badan. Booliska wuxuu ku amray Bangiyada in ayna lacag siin ardayda lacagta ku qaadanaysa Aqoonsiga ardaynimo. Waxaa Jaamacada ka maqan arday badan oo la sheegay in ay ku dhuumaalaysanayaan tuulooyinka miyiga ee ku dhaw magaalada Dir-dhaba.