Jaaliyadda Somalida Ogadeeniya ee Dalka Norway oo Soo Saartay Baaq ay ku Taageerayaan Heshiiska Dhex Maray Dawladda Itoobiya iyo Ururaka UWSLF iyo Wadahadalka Nabada ONLF

 

Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Jaaliyada Soomaali Ogadeeniya ee wadanka Norway ayaa lagu lafo guray marxaladdaha ka soo cusboonaaday Gobolka isla markaana laga soo saaray warsaxaafadeed lagu ayidayo heshiiska nabadeed ee dhex maray ururka UWSLF  iyo  wadahadalka nabada ee ururka ONLF iyo Dawladda Itoobiya u dhaxeeya.

Furitaankii Shirka ayaa waxaa aayodo Qur’aan ah ka akhriyay Axmed Sheekh Cabdullahi, markaa kadibna waxaa caadi loo gudagalay ajandihii shirka ayadoo warbixinno iyo doodo ku salaysan cilmi la isku waydaarsaday kadibna laga soo saaray qodobada afarta ah ee hoos ku xusan.

Waxaa ayana khadka taleefanka lagu soo xidhay Gudoomiyaha UWSLF Sheekh Ibraahim Dheere kaasi oo warbixin waafi ah ka siiyay Jaaliyadda halka uu marayo heshiiska nabadda ee ay qaateen, sababtay u qaateen iyo ugu danbayn dardaaran uu la dardaarmay guud ahaan Qurbajoogta gaar ahaanna Jaaliyada Norway.

Xubnaha Jaaliyadda ayaa su’aalo badan waydiiyay Sheekh Ibraahim, asaguna si waafi ah oo saraaxad leh ayuu uga jawaabay dhamaan su’aalihii la waydiiyay. Gunaanadkii ayuu shirku ku dhamaaday waji farxadeed ayadoo laga dheehanayay ka soo qayb galayaasha shirka shucuur iyo yididiilo aad u saraysa.

Aqoonyahankii, cuqaashii iyo indheer garadkii madasha ka hadlay waxaa kamid ahaa;

1. Daahir Xaaji Xusseen (X. Geesdiir)

2. Cabdi Qabdiid

2. Nabdoon Bishaar Maxamed Amaan.

3. Good Muxumed Horor

4. Axmed Sheekh Abdullahi

5. Axmed Daahir Xassan

6. Mukhtaar Cabdi Aaqib ( Qarayare)

7. Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Awalu)

8. Cabdiqaadir Xaaji Barre

9. Nuur Axmed Xusseen

BAAQ

1. Waxay taageero buuxda Jaaliyaddu siinaysaa heshiiska dhex maray Dowladda Itoobiya iyo labada urur ee UWSLF iyo ONLF garabka golaha sare.

2. Jaaliyaddu waxay ugu baaqaysaa dhamaan dadwaynaha ku abtirsada gobalka Soomaaligalbeed/Ogaden dal iyo dibadba inay garab istaagaan kana faa’iidaystaan fursadan nabadeed ee qaaliga ah.

3. Jaaliyaddu waxay ku adkaynaysaa Dowladda Itoobiya iyo ururada heshiiska la galay inay ka dhabeeyaan isla markaana daacad ka noqdaan sidii loo hirgalin lahaa nabad waarta oo ka dhalata Gobalka.

4. Waxay si gaara Jaaliyaddu baaq ugu diraysaa aqoonyahanka, maalqabeenka, culimada iyo waxgaradka ka soo jeeda gobalka ee ku firidhsan daafaha aduunka inay ku laabtaan dalkii, isla markaana uga faa’iideeyaan khibradooda, aqoontooda iyo maalkoodaba si ay dalka uga abuuraan fursado shaqeed iyo mid aqooneed.

Jaaliyadda SoomaaliGalbeed ee Norway

rasaas.com