Jaaliyadda Ismaamulka Somalida Ethiopia ee Qatar oo Shirtay iyo Marti Sharaf ka Soo Qayb Gashay

 

Doha, May 29, 2012 [ras] – Jaaliyadda Degaanka Somalida Itobiya qatar, ayaa isugu timid shir aad u ballaadhan oo Ka dhacay Xaafada Mucether ee Caasimadda Dooxa.

Shirkan ayaa daba socday shirar hore oo jaaliyaddu ku dardar galinaysay wax qabadka Jaaliyadeed iyo kaqayb qaadashada Nabadda iyo horumarinta deegaanka.

Sidaan horay u soo shaacinayba waxaa shirkan marti sharaf u ahaa Sheekh Ibraahim dheere iyo Sheekh Nashaad
oo iyagu runtii ku sifoobay sama wadayaal kana dhiidhiya horumar la’aanta Dalkooda iyo dadkoodaba

sida caadada noo ah shirka waxaa lagu furay ayado qur’aan ah ka dibna waxaa wacdi diini ah soo jeediyay, ajir allaha kasiiyee Sheekh Maxamed Askar, sheekhu wuxuu dadka aad ugu baraarujiyay iska ilaalinta tanfaraaruqa iyo in mar walba la isku duubnaado

wacdi aad u qiimo badan oo dhamaan dadka dhagahooda aad ugu duxay ka dib waxaa hadalka lawareegay, Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane Maxammed Faarax (Geelle) gudoomiyuhu waxuu aad uga war bixiyay jaaliyadda Qadar wax gabadkeeda iyo ajandayaasha ay fuliyeen, Gudoomiyuhu wuxuu soo bandhigay ID u gooni ah uuna qaadan doono qof kasta oo ka mid ah shacabwaynaha ka soo jeeda DDSI ee ku nool wadanka Qatar. Gudoomiye maxamed faarax wuxuu dadka aad ugu guubiyay in gamcaha la is qabsabdo si wada jir ahna looga qayb qaato Dhismaha, nabadda iyo horumarka Dalkeenna

Sheekh ibraahim oo runtii dhamaan jaaliyadda reer Qatar tusiyay in ay wadan leeyihiin wadankooduna uu ubaahan yahay, ayaa dadkii goobta isugu yimid ku baraarujiyay in ay wax bartaan, si ay dalkoodii aqoon ugu celiyeen, sheekhu wuxuu dadka fahamsiiyay in hanti la yeesho ay aqoontu ugu wanaagsan tahay
Sheekh Axmed Nashaad ayaa isaguna dhankiisa ka dhiibay war bixin aad u dheer oo dal iyo dibadba leh, sheekhu wuxuu warbixintiisa ku sheegay in wadanku horumar ku talaabsaday dhan walba amniguna uu aad u tayo sareeyo, mar uu carabka ku dhuftay wax qabadkooda ayuu sheekhu sheegay in ay haayada SAAD ay ku mashquulsan tahay mashruuc lagu daryeelayo Caruurta agoonta ah ee DDSI ayagoo gobalkiiba ugu yaraan 6000 oo ilmood ay hay’addu ka faalo qaadi doonto noloshooda caafimaadkooda iyo wax barashadoodaba.

Gudoomiyihii hore ee jaaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Sarhaye ayaa isaguna madashii shirka ka jeedayay kalmado wanaagsan oo ula jeedadoodu ahyd in midnimada lagu dadaalo khilaafka iyo tanfaraaruqana la iska ilaaliyo, kadib waxaa bilawday su’aalo lawaydiinayay marti sharaftii shirka dhamaanna si waafi ah ayaa looga wada jawaabay

ugu danbayntii shirku wuxuu ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaasan oo bilaa buuq ah waxaana si buuxda loo wada taageeray Nabadda iyo horumarka DDSI

Jaaliyadda Ismaamulka DDSI ee Qatar
Email. ethiopan.somali.community.qatar@gmail

rasaasa.com