Jaaliyadda Ismaamulka DDSI ee Dalka Qatar Ayaa Qabsatay Shir Ballaadhan iyo Dr. Ibraahim Dheere oo Lagu Marti Qaaday

 

Jaaliyadda is maamulka DDSI ee dalka Qatar ayaa qabatay shir ballaadhan aadna looga soo qayb galay laguna marti qaaday Dr. Sheekh Ibraahim dheere oo ah Aabaha nabadda sababna u noqday in Ismaamulka DDSI Nabadi ay ka hillaacdo xukuumadda iyo shacabkuna si wada jir ah horumar ugu talaabsadaan

Sida aan caadada u leenahay ama muslimkaba dhaqanka u ah Shirku wuxuu ku billawday wacadi diini ah oo uu soo jeediyay sheikh ka mid ah Culimada u dhalatay DDSI wacdigaas oo dhammaan dadka qalbigooda dhaqaajiyaya aadna loogu diirsaday.

Sheekhu wuxuu dadka aad ugu baraarujiyay in alle laga cabsado waajibaadka nawada saaran ee ilaahay innagu adoonsadayna lafuliyo hadallada xun xunna la iska ilaaliyo.

Intaa kadib waxaa hadalka la wareegay gudoomiyaha jaaliyadda DDS Ethiopia ee Qatar (JIDDSIQ) Mudane Maxamed Faarax Cabdille, gudoomiyuhu wuxuu hadalkiisa ku bilaabay war bixin dheer oo kusaabsan jaaliyadda DDSI ee dalka Qatar tan iyo maalinkii la aas aasay illaa maanta, war bixintaas oo ku saabsanayd wax qabadkii jaaliyadda guud ahaan, waxaa kale oo uu aad gudoomiyuhu ugu taagtaagsaday in wax kabadalkii gudiyeed ee dhawaan dhacay uu is badal badan layimid wax qabad badan oo jaaliyadda horumarkeeda ku saabsanna gudoomiyihu wuu soo bandhigay iyo waliba hawlo badan oo lagu gudo jiro dhamays tirkooduna uu dhawyahay.

Waxaa kale oo Gudoomiye Maxamed Faarax (Geelle) uu sheegay in guddiga jaaliyiaddu shirar badan oo is dabo jog ah ay qabteen muddadii ay dhisnaayeen, natiijooyinkii shirarkaasna ay waxyaabo badan ka qabsoomeen gudoomiyuhu wuxuu hadalkiisii kusoo gaba gabeeyay in ay lagama maarmaan tahay in shirar joogto ah laqabto si guudna loo wada shaqeeyo dhankiisa iyo dhanka guddigana ay hawshooda sifiican u gudan doonaan.

Sida kor ku xusanba Dr. Sheekh Ibraahim dheere oo shirka lagu marti qaaday ayaa isaguna halkaa ka sheegay warbix dheer oo kusaabsan dalka gudihiisa meel walbana taabanaysa dhinaca nabad galiyada iyo dhinaca horumarka Deegaankaba

Mar uu sheekhu wax ka bidhaamiyay wax qabadkooda ayuu carabka ku dhuftay in xilliyadii u danbeeyay ay dhawr ceel biyood ka qodeen gobalka nogob waxaa kale uu sheekhu sheegay in dhawr hayadood oo mid walba dalka iyo dadkaba waxtar u leh ay dhiseen kuna guulaysteen kuwa kalena ay ku gudo jiraan haddii rabbi idmo

Warbixintii qiimiga lahayd ee sheikh ibraahim soo jeediyay ayaa runtii ahayd mid wax badan laga fahmayo wax sheeg iyo waanana ugu filan nin kasta oo wax garad ah, murtida war bixinta sheekhu waxay ku soo biyo shubanaysay hurdaayoow toos jiifka waa lagu habsaamaaye.

Dhamaan shacabwaynihii shirkaas kasoo qayb galay iyo nin walba oo ka damanaa inuu marti ku yahay wadamada shisheeye waxay kalmadaasi u noqonaysaa cibriqaadasho iyo feejignaan wayn

Runtii, Xaqiiqdii kalmaddaasi way tahay mid uu ku cibriqaato ruuxii ilaahay naf galiyay dhiigna leh caqlina uu ku jiro

Kalmadda Digtoorka ka dib waxaa furmay su’aalihii shacabka iyada oo nin walba uu sheekhu siiyay jawaab waafi ah.

Shirku wuxuu kusoo gabagaboobay jawwi aad u wanaagsan oo buuq la’aan ah waxaana lagu kala tagay farxad,

Cafis iyo musaamax, kalgacal iyo walaaltinnimo.

Assalaamu Calaykum waraxmatullaahi wabarakaatulah

rasaasa.com