Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee dalka Norway oo Taageertay Heshiiskii Addis Ababa

 

Kadib markaan horay si taxadar ku jiro ugu soo dhawaynay heshiiskii Xabad joojinta ee dhexmaray UWSLF iyo Dowladda Federaalka Ethiopia.

Ku: Madaxda UWSLF iyo Dawladda Ethiopia
Ku: Madaxda dawladda Deeganka Soomaalida
Ku: Beesha Caalamka
Ku: Saxaafadda maxaliga iyo ta Caalamiga
Og: Madaxda Jaaliyadda S/Galbeed/Ogadeniya ee Norway
Og: Xubnaha Jaaliyadda S/Galbeed/Ogadeniya ee Norway

Ujeedo: Dhanbaal Taageero

Kadib markaan horay si taxadar ku jiro ugu soo dhawaynay heshiiskii Xabad joojinta ee dhexmaray UWSLF iyo Dowladda Federaalka Ethiopia.

Kadib markaan aragnay nuqul ka mid ah heshiiskii kama dambaysta ahaa ee labada dhinac gaadheen, isla markaana aan rogrognay oon dhuuxnay nuxurka uu xambaarsanyahay.

Kadib markaan aragnay in heshiiskan taariikhiga ahi uu yahay mid ku qotoma baahida shacabka SoomaaliGalbeed/Ogadeniya.

Kadib markaan heshiiska ka dhex aragnay inay ku qeexantahay dhamaanba xuquuqda uu shacabka SoomaaliGalbeed/Ogadeniya ku leeyahay Dawladda Federaalka taasoo gaadhsiisan ilaa heer madaxbanaani.

1- Waxay Jaaliyaddu si aan kala hadhlahayn u soo dhawaynaysaa heshiiska 29th July, 2010 ku dhexmaray Addis Ababa ururka UWSLF iyo Dawladda Ethiopia.

2- Waxay Jaaliyaddu u mahad celinaysaa dhamaanba intii ka qayb qaadatay iyo intii suuro galisay inuu heshiiskani midho dhal noqdo, si gayiga loogu soo dabaalo nabad.

3- Waxay Jaaliyaddu ugu baaqaysaa labada dhinac inay si daacad ah ugu hawlgalaan sidii heshiiskan loogu badali lahaa ficil.

4- Waxay Jaaliyaddu ka codsanaysaa Qurbe-joogta ka soo jeedda Deegaanka Soomaalida inay dib ugu noqdaan dhulkooda hooyo oo ka qayb qaataan horumarinta gobolka iyo kobcinta arimaha bulshada.

5- Waxay Jaaliyaddu ku booriyaysaa Jaaliyaddaha kale ee ku kala firidhsan daafaha aduunka inay soo dhaweeyaan oo taageeraan heshiiska taariikhiga ah.

6- Waxaan ugu baaqaynaa garabka ONLF ee wali qoriga sida inay ku soo biiraan miiska wada hadalka, nabadna wax ku doonaan.

7- Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka inay xil gooni ah iska saarto sidii cagaha loogu taagi lahaa nabadda ka curatay gobolka SoomaaliGalbeed isla markaana loo soo gaadhsiin lahaa gobollada kale ee Ethiopia.

Magacyada Sixiixayaasha:

1. Ugaas Cabdi Qabdiid
2. Dr: Cabdirisaaq Khaliif Guhaad
3. Nabadoon Bishaar Maxamed Amaan
4. Axmed Daahir Xaaji Xusseen ( Xaaji Geesdiir)
5. Nasiib Cali Axmed
6. Shaafi Xassan Cabdille
7. Mukhtaar Cabdi Aaqib ( Qarayare)
8. Good Muxumed Horor
9. Cabdi Xiis
10. Abdirashid Maxamed Geedi
11. Deeq Cabdi Yare ( Deeq Dheere)
12. Axmed Daahir Hassan
13. Axmed Nuur Sheekh Cabdullahi
14. Cabdicasiis Haybe Cali
15. Cabullahi Daahir Macalin
16. Calinuur Cabdi Kaahin
17. Axmednuur Ibraahin Qadiid
18. Maxmed Muxumed Sheekh Biixi ( Xiis)
19. Cabdi Xuseen Cilmi ( Is dhariijiye )
20. Nasradiin Maxamed Cabdi Oday
21. Axmed Sheekh Maxamed ( Axmed Awalu)
22. Cabdifataax Axmed Khayr ( Afgaab)
23. Abshir Xaaji Barre
24. Cabdirashid Cali Shoocaac
25. Sharmaarke Cabdirisaaq

rasaas.com