Home / News in English /
Jaaliyada Ethiopia ee Jeddah oo Iibsaday US$500,000 Boondhiga Biyo-xidheenka Abbay
Jeddaha, Mar 10, 2012 [ras] – Dad Ethiopian ah iyo dad kale ee asalkoodu yahay Ethiopian degana Jeddah, Sacuudi Carabiya, ayaa ku iibsaday boondhiga biyo-xidheenka Abbay lacag qiimaheedu dhan tahay US$500,000. Warkan ayaanu ka soo xiganay bogga internetka ee ku hadla afka dawlada Ethiopia.
Jaaliyada Ethiopia ee degan Jeddah ayaa noqotay qurba-joogtii ugu damabaysay ee si xidhiidh ah u cadaystay ka qayb galka taageerada dhismaha biyo-xidheenka ugu wayn Afrika ee laga dhisayo wabiga Nile [hydroelectric dam].
Wasaarada arimaha dibada Ethiopia, ayaa sheegtay in Jaaliyada Ethiopia ee Jeddah iyo magaalooyinka u dhaw ay ku iibsadeen boondhiga biyo xidheenka Abay lacag dhan US$500,000.
Wasaaradu waxaa kale oo ay sheegtay in waasarada lacagta ee Ethiopia, ayaa soo daabacday boondhi qiimihiisu dhan yahay shan bilyan oo dollarka Maraykanka si ay u maal galiso mashruuca biyo-xidheenka Abbay.
Tan iyo markii ay dawladu ku dhawaaqday dhismaha mashruuca bishii April 2011, waxay dawladu abaabushay tiro yaab leh oo dadweyne oo taageersan ka qayb galka dhismaha biya-xidheenka.
Madaxweynaha dawlada degaanka Somalida Ethiopia oo toban maalmood ku sugan London, ayaa ka helay Jaaliyadaha Somalida asal Ethiopian-ka ah iyo Jaaliyadaha ka soo jeedo dalka Somaliya lacag ay qiimaheedu dhantahay US$1million.
rasaasa.com