Jaaliyada Deegaanka ee Norway oo ka Tacsiyaysay Geeridii Sheekh Maxamed Dubad

 

Jaaliyada ka soo jeeda Deegaanka Soomaalida  ee ku dhaqan Wadanka Norway, waxay tacsi u diraysaa dhamaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Dubad oo dhawaan dil qorshaysan oo bahalnimo ah loogu gaystay magaalada Garissa ee wadanka Kenya. Sidoo kale jaaliyadu waxay tacsi tan la mid ah u diraysaa ururka UWSLF, bulshada qaybaheeda kala duwan ee kasoo jeeda Deegaanka iyo dhamaanba inta wanaaga iyo nabada jecel.

Dadku waa qof lafahiisa u dhintay iyo qof bulshada ka dhintay, Sheekh Maxamed allaha u naxariistee waxuu ahaa halyay bulshada ka dhintay. Waxaa uu ka mid ahaa aabayaashii dadaalada nabada Deegaanka, isagoo dadaal dheer ku bixiyay walina ku howlanaa sidii bulshadu u garan lahayhd danteeda, isla markaana ugu jeedsan lahayd dhanka nabada iyo horurmarka. Sida sunada rabaaniniga ah ku cad wanaag kasta dad ayuu dhibaa, isla markaana la colaytama, waana taa sababta uu eersaday Sheekh Maxamed.

Ugu danbayn Jaaliyadu waxay canbaarayn iyo nacalad dusha uga tuuraysaa dhagar qabayaashii baneeyay, soo abaabulay, maal galiyay, isla markaana fuliyay dilkan fulaynimada ah ee lagu khaarijayay Sheekh Maxamed. Ma aha kuwa ka daala inay beegsadaan bulshada inta wax tarka leh iyo indheer garadka. Jaaliyadu waxay ilaah ka baryaysaa inuu sahlo sidii gacanta loogu wada dhigi laha dhamaan cidii lug ku lahayd dilka Sheekha, isla markaana cadaalada loo hor keeni lahaa.

Maamulka Jaaliyada Deegaanka Soomaalida ee Norway.

rasaasa.con