Jijiga: Isbadalka Hawada oo Saameeyay Degaanka Somalida Ogadeeniya

 

heatHeerkul  dilaa ah oo aan wali la aqoonsan, ayaa si xoog leh ugu soo badanayaa degaanka Somalida Ogadeeniya, iyada oo uu gabalku yahay meelaha ugu nugul, dib u dhaca ka jira awgii.

Xanuunka ku dhaca madax ayay dad badan ugu dhintaan degaanka daawo iyo daryeel caafimaad la,aan. Xanuunkan oo hore ugu naqnaa degaanka Somalida Ogadeeniya, ayaa haatan si xawli ah u socda, soo badashada xanuunkan waxaa loo aanaynayaa isbadalka cimilada aduunka, cuntooyinka, cunida mukhaadaraadka fudud iyo waliba xaalufinta ay Atobiya ka samaysay gabalada Shidaalka leh.

Isbadalka cimilada aduunka ayaa sanooyinkan dambe si xoog leh u saamaysay degaanka Somalida Ogadeeniya. Waxaana uu degaanka Somalida Ogadeeniya heer kulka hawadu noqday meelaha ugu kulul Bariga Afrika. Heerkulka hawada magaalada Godey waxaa uu gaadhaa 50c0 degree, tiradaas oo ka saraysa labo (2c0) heerkulka hawada ee magaalada Tajoora dalka Jabuuti iyo magaalada Kebili, dalka Tunisia oo ah meelaha Bariga iyo Waqooyiga Afrika ugu kulul.

Dibu dhaca ka jira awgii ma jiraan tignoolojiyo ka caawisa dadka la dagaalanka heer kulka xad dhaafka ah. Waxaad mar marka qaar la kulmaysaa dad caafimaad qaba oo si kadis ah ay neeftu ugu dhagto deedna dhinta, taas oo ay dadku ku micneeyaan in Jin dilay. Dhimashada dadka waayeelka waa xad dhaaf xiliyada kulalaylka, waxaa kale oo ku soo badanaya dadka qaba xanuunka maskaxda ee waalida keena.

Gabalada ay saamaysay dhibaatadani waxaa ka mid ah gabalka Shabeele, Qoraxeey, Doolo iyo Afdheer oo heerkulka cimiladoodu aad isu badalayso iyaga oo gabaladani uu ku soo neefayo dhulka shidaalku ku kaydsan yahay iyo waliba kaydka cusbada dabiiciga ah ee God-cusbo.

Cunida Jaadku, waxay sii xumaynaysaa caafimaadka dadka ku nool meelaha kulul, kaas oo si toos ah uga qayb qaata xanuunada ku dhaca maskaxda. Waxaa kale oo soo badanaya cuntooyinka aan hore looga cuni jirin degaabka oo leh cusbo badan. Cuntooyinka la shiiday ee lagu daro suugaha, oo qaarkood dhana dhacay, qaarna ay leeyihiin cusbo xad dhaaf ah, ayaa cusbo kale lagu sii daraa taas oo iyada laftigeedu kodhisay dhiig kar keena dhinaca qalal.

Ku dhawaad toban sano dawlada Atobiya waxay ka wadaa Ogadeeniya hawlo shidaal baadhid, waxayna baro kicisay kumanaan xoolo dhaqato ah, dhul aad u balaadhan oo  geedihii laga guray ayaa  saxare noday. Dhulkaas saxaraha noqday qayb wayn ayuu ku leeyahay isbadalka cimilada kulul ee ku soo koradhay Ogadeniya.

Magaalooyinka degaanka, marka laga reebo Jijiga, kama jiraan wacyi galin la xidhiidha caafimaadka, waxaa kale oo aan ka jirin xarumo caafimaad iyo xirfadleyaal caafimaad oo ka daaweeyo bulshada curada saameeya ama ka wacyi galiya cudurada cusub ee ku soo kordhay. Waxaa kale oo aan jirin dawlad ama aqoonley Atobiya ku cadaadiya ka hortaga dhibaatooyinka mustaqbalka ee dadka iyo degaanka, marka laga reebo ururka ONLF, oo wada dagaalo uu kaga goynayo gablka Atobiya.

Rasaasa.com