Isaga oo kale Ma dhalan! Sanadguuradii 1aad ee Geeridii Hoggaamiye Sheekh Ibraahim Cabdalla

 

ciidamo-itoobiyaWaxey aheyd hilaaddii 1993-dii maalinkii baabuur qabaal ah oo caddaa oo lagu wadey Sheekh Ibraahim soo maray magaalada Dhanaan anigoo sugayay baabuur aadna ugu baahnaa inaan Godey gaadho.

Baabuurka oo labo Shirley ahaa waxaa Sheekh Ibraahim lasaarnaa masuuliyiin ka tirsanaa ururka ONLF oo aanan magacyadooda eegga ubaahnahayn inaan sheego. Sheekha Magac mooyee muuqiisa maalinkaas ayaa iigu horeysey. Waxaan damcey inaan baabuurka Godey usii raaco waxaase ii diidey inaan fuulo dhalinyaro xagga sare baabuurka saarneyd. Waxaan ku doodey in lacag la iga qaado aan baabuurka la iga reebin. Waxey iisheegeen dhalinyaradii in baabuurku yahay mid nin madax ah lagu wado meelo badanna uu sii mari karayo sidaas darteed inaan baabuur kale sugo. Murankii iyo qayladii ayuu Sheekhu maqley waxuuna yidhi wiilka baabuurka ha fuulo waxaan qabno ayuu inala qabiye. Haybadda iyo Islaanimada Sheekha iyo Iftiinka ka muuqdey ayaan aad ula dhacey anigoo warkiisaas aad ugu farxay.

Baabuurkii si xawli ah ayuu ku dhaqaaqey waxaana afka saarney jidkii Godey iyo isku xidhayay magaalada Dhanaan oo xiligaas aheyd xili barwaaqo ah. Muddo markaan soconay ayaan kusoo baxney ceelka Hadhaawe oo dad aad u badan kusugayaan Sheekha iney salaamaan. Odayadii iyo dadkii meesha kusoo baxey ayaa waxey ku taliyeen in Sheekhu tago tuulada Baarguun oo dhinaca bidix loogu leexanayay. Madaxdii kale ee baabuurka saarneyd oo iyagu rag Jaad cun ah u badnaa ayaa damcey iney odayadii ku yidhi Sheekhu shaqo ayuu ku socdaa oo ma awoodno inaan leexano. Sheekh Ibraahim ayaa markale Hadley oo yidhi Baarguun waa inaan Caawa seexanaa. Baarguun waa tuulo taariikhi ah sheekhana yaraantiisii uu wax ku bartey. Dad aad u badan ayaa iyagu kasoo lugeeyey si Sheekha halkaas ugu arkaan maalinka bari ah. Sidaas ayaana kusoo aadney tuulada Baarguun. Amin casar ah ayaan Baarguun soo gaadhney oo aheyd meel barwaaqo ah. Waxaa si aad ah loo hadheeyey geed aad uweyn oo ku yaallay beeraha dhexdooda markaasaa si tacajab ah naloo soorey. Geedkii hareerihiisa iyo gudihii ayaa rag iyo dumar iyo odayba la buuxdhaafiyey. Sheekh Ibraahim waxa ugu badab ee uu ka hadlayay waxey ahayd taariikhda gobolka iyo sida loogu baahan yahay in dadku ay u istaagaan iney qayb ka qaataan halganka noocuu doonaba ha noqdee inta waddanku ka xoroobi doono.

Markii aan casarkii tukanay ayaa Sheekha loogu yeedhey in uu dadka meel fagaara ah kala hadlo maaddaama oo ay adkaatey in hadalkiisa ay maqlaan dadkii meesha joogey. Meel fagaare oo tuulada badhtankeeda ah ayuu Sheekhu hadal dheer oo taariikhi ah ka jeediyey iyadoo dadkii meesha joogey ay wax ooya iyo wax ililaasa isugu jireen. Sheekh Ibraahim waxuu ka Hadley taariikhda Baarguun iyo qaybta ay ku laheyd noloshiisa isagoo dhanka kalena sheegey inta uu dhul soomaray illaaheyna markale dib ugu soo celiyey Baarguun. Gabayo iyo guubaabo badan ayaa meeshaas maalinkaas ka dhacey waxaana noo dhacay gabbalkii.

Darso aad u weyn ayaa naloo gogley oo aan habeenkii seexanay. Sheekh Ibraahim habeenkii Quraan Akhris iyo Salaad ayuu laasimay meesha raggii lasocdey ay daal wada dhaceen. Xilli hore ayuu Sheekhu dadkii meesha jiifey oo dhan toosiyey isagoo ku leh waryaada Salaaddii subax ayaa joogta. Wayso ayaan u baxney waxaana aad ula yaabay in rag maalinkaas sheekha lasocdey aysan xitaa tukan balse ay ka xishoodeen iney iska jiifaan. Sheekhii ayaa salaaddii na tukiyey waxaana aad u xasuustaa Qiraa’adii wanaagsaneyd iyo codkii Sheekh Ibraahim ee aadka u quruxsanaa. Illaahey janadiisii ha geeyee, markii aan ka baxney salaadda iyo Adkaartii Sheekhu waxuu bilaabey inuu dadka weydiiyo su aalo la xidhiidha taariikhda gobolka iyo halgamadii kala dambeeyey ee uusoo marey. Waxaana intii ay qoraxdu kasoo baxeysay ee aan ka quraacannayney Sheekhu ka jawaabayay su aalo ay weydiinayeen dhalinyaradii iyo odayadii magaalada. Aqoonteyda iyo da’deyda oo yareyd awgeed waxaan aad ula yaabbanaa haybadda, cilmiga iyo cibaadadda eebbe isugu geeyey Sheekh Ibraahim.

Markii aan qoraxaysanay ayaa baabuurkii uu soo aadey magaalada Godey iyadoo ay dadku aad uga xumaayeen in Sheekhu ka soot ago meesha qaar badan ay damceen iney aqal uga dhisaan Baarguun oo iska joogo. Illaa aan kasoo gaadhaney magaalada Godey dadka baabuurka kasoo horbaxayay waxaad moodeysay in Tell loogu wada sheegey oo waxay nagu salaamayaan hadallo wanaagsan iyo ducooyin badan. Baabuurkii aan saarneyn ayaa Godey soo gaadhey xilli kuleyl ah oo dad yari magaalada dhex socdeen. Halkaas ayaana kaga dagay baabuurkii waxaana halkaas ku ekaa safarkii aan ku bartey Sheekh Ibraahim . Sheekh Ibraahim waxuu igula kaftamay mar aan isku yara banaanaaney intaan joogney Baarguun inaan Jaamicad aado waxna soo barto markii uu yaraha darsay sidaan doodaha uga qaybqaadanayey.

Illaahay mahaddii Aniga iyo Sheekh Ibraahim Cabdalla waxaan markale ku kulanay magaalada Bristol 10 sano kadib anigoo markan aqoon dheer u leh Sheekh Ibraahim. Talooyin badan oo aan hadda u qaadann iney ahaayeen Dardaaran iyo aqoon isweydaarsigii aan kula kulmay Sheekha Magaalada Bristol ee waddanka Ingiriiska dib ayaan kasoo dayn doonaa. Qormadani waxaan uga jeedaa inuu ahaa qof dadkiisa jecel isla ay aad u jecelyihiin. Waxuu ahaa nin daaci ah oo diinta eebbe u roon. Waxuu ahaa hogaamiye deeqsi ah.

Isagoo kale ma dhalan!

Qof Noocee ayuu ahaa Sheekh Ibraahim Cabdalla?

Marka koobaad Geeridu waa Xaq, qof kastana wuu dhimanayaa , haddii la jecelyahay iyo haddii kalaba, waxaana dadka musliminta ah lagudboon markasta oo ay geeri iyo dhibaato kutimaado inay u hogaansamaan qadarka illahay, aqbalaana xukumkiisa, wuxuuna qofka muslimka ah ee geerida maqlay la gudoboon inuu istirjaacsado oo yiraahdo “Inaa lillaahi Wa inaa Illeehi Raajicuun”. Intaa kadib, anniga warkan waan kuhelay qaabka farinta ee MSNka oo telephonka aan sitay, runtiina aad ayaan uga naxay geeridaas in hogaamiye sheikh ibraahim oo kala ah geeriyoodo, xilli Qadiyaddii uu bilaabay ay marayso meel dhexe oo kala guur ah . waxaa intaa ii dheeraa in aanay jirin wax jiro ah oo il geeriyaad leh oo aan sheikha ku ogaa..

Sheekh Ibraahim alla ha unaxaristee Waxaan isbaranay 1992, waxaanan isku baranay Magaaladda Jidda ee Dalka Sacuudi Arabia , Xilli aan halkaas arday ka ahaa. Waxaan amin subax ah kula kulmay tukaan uu lahaa nin aanan hadda halkan magaciisa sheegaynin. Subaxadaas wuxuu sheikhu raadinayey inuu helo meel uu kadirsado fax. Annigoon isaga aqoonin ayaa dadkii dukaanka Joogay iga codsadeen inaan tuso meel uu fax-ka kadirsado, sidaas ayaana iskuraacnay. Jidkii ayaana iskuwaraysanay, waxaana halkaa ku ogaaday in qofka aan lasocdo yahay Sheikh Ibrahim. Waxaa markiba sheekada soo gashay oo aan isha kuduftay in warqadda uu dirayo Jariidada layiraahdo Sharqal Awsat oo uu kagawaramay arimo siyaasadeed oo Gobolka laxidhiidha . Maalintaas kadib sheikha waan isnaqiinay waanan xidhiidhi jiray, safaro badan iyo kulamo badan oo siyaasadeedna wayna dhexmareen.

Sheekh Ibraahim waxaan wada galney safaro meelo badanna waan ku kulannay marwalbana waxuu ahaa shaskhi afkiisa iyo qalbigiisu wada scodaan oo aadan marnaba uga cabsaneynin inay is khilaafaan. Waxaan sidoo kale mudooyin badan ku booqdey xaruntii fadhiga u aheyd ee Imaaraadka Carabta.Kulankii ugu danbeeyey ee aan Sheekha yeelanay waxey aheyd midkii aan kula kulmay magaalada Kopenhegan oo uu sheekhu iisheegey inuu hadda waxii ka danbeeya u jiheysanayo dhanka qoraalka isagoo igu wargaliyey inuu abuuray machad cilmi baadhiseed. Muuqaalkii aan aqaaney iyo caafimaadkii Sheekhu markan waa ka liitey sidiisii hore.

Sheikh Ibrahim alla ha naxaristee, wuxuu ahaa hogaamiyihii Nusqarnigii ugu danbeeyey ee Qadiyadda Somali galbeed (Ogadenia). Wuxuu shaqada siyaasadda iyo Hogaaminteeda kujiray mudadii ugu dheerayd ee qof soo maro inta aan xusuusan karo taarikhda cusub. Wuxuu lakulmay duruufo iyo dhibaatooyin adadag oo soo wajahay dhaammaan geeska Africa iyo gaar ahaan Qadiyadda Wadanka. Astaamaha ugu waawayn ee lagu xusuusan karo hogaamintiisa Waxaa kamid ahaa inuu ahaa shaqsi leh ; Aqoon kufilan ( Qorid, Sharaxaad iyo Eray bixin intaba),, Sabir badan , ku dhagan hadafkiisa, maslaxadda guud ka hormariya middiisa gaarka ah.
Wuxuu ahaa sheikhu qof aan isbadbadalin, hal abuurna ah, dacaadnimaduna kamuuqato, dadkana inta badan ula dhaqma qaab qadiyadeed ee aan ula dhaqmin qaab kale sida Somalida kubadan.

Sheekh Ibraahim intii aan la kulmy waligey uguma talo galin kumana fikirin inaan la doodi karo ee inta badan waan kafaaiidaysan jiray , waxaan aad uga bartay arimaha laxidhiidha taariikhda waddanka iyo hardanka Geeska africa. Sheekha waxaan in badan kala sheekeystey sidii ay suuro gal u noqon laheyd sidii xoogagga dhulka Soomaaligalbeed ka dagaalama loo mideyn lahaa iyo magaca gobolka. Sheekhu waxuu ahaa shakhsi aad u jecel in cudduda muslimiinta la mideeeyo si loo wiiqo cadawga umadda iyo diinta dumiyey. Sheekhu intii aan aqaanay ee danbe marna kama uusan quusan iney dhici kareyso midaynta labada urur waxaana jira magac uu Sheekhu bixiyey oo uu iisheegey isla markaana uu ugu talo galay in lagu mideeyo labada urur waa ONLF iyo Midawga Jabhadda Xoreynta Soomaaligalbeed, balse waa Amaano. Illaahey janadii ha geeyee waxuu geeriyoodey iyadoo ay xaaladda siyaasadeed ay meel adag mareyso.

Nasiib xumo tan iyo intii sheekhu ka tagey guddoominimada Xidhiidhka labadda Jabhadood wuxuu ubadanaa mid lagu tilmaami karo; Dhiig daaddis iyo dhiig Joojin. Waxaan kawadaa mar la islaayo iyo mar waanwaan lasameeyo.Waxaa dhacay dhacdooyin xanuun badan oo tiro badan oo dhallinyaro ah ku geeriyoodeen . Dhibaatadii shacabka iyo dibindaabyadii Tigreega waxaa u raacey shacabkii in wiilashoodiina banaanka isku laayaan meeshii ay Tigreega wada ugaadhsan lahaayeen iyagoo isku duuban. Fursadda ay ku hirgali karto mideynta cuddud xooggan oo dhexmarta labada urur waxey iila muuqataa mid aan sidaas u buurneyn.

Ugu danbeyn Waxaan illahay ka baryayaa in sheikh Ibaraahim siiyo naxariistii Janno, ehelkisiina sabir iyo Imaan . waxaana dhamaan dadka Somali galbeed uga tacsiyeynayaa Geerida kutimid Hogaankii sare Qadiyadda Somali galbeed (Ogadenia). Waxaan sheegayaa inuu ahaa hogaamiye Dhidibadda u aasay isagoo dabcan kaashanaya rag kale geeddi socadkii Qadiyadda.

Isagoo kale Madhalan!
Xigasho Xaajo.com