Innaa Lillaahi wa Innaa Illaahi Raajicuun

 

Innaa Lillaahu wa Innaa Illaahi Raajicuun:Cabdi/Xaafid Axmed Fidaar, oo maanta lagu aasay degmada Philip oo ku taal Magaalada Capetown, ka dib kolkii ay shalay galbtii dad dabley ahi ku dhex dileen dukaankiisa.

Cabdi/xaafid waxaa uu ka mid ahaa dhalinyarada Somaliyeed, gaar ahaan kuwa Somalida Ogadeeniya ee ka xoogsata dalka South Africka. Cabdixaafid waxaa uu ku dhashay magaalada Qabridahare halkaas oo ay degan yihiin eheladiisii, waxaana uu shaqo u tagay dalka koonfur afrika.

Maamulka iyo shaqaalaha bogga rasaas.com, iyaga oo aad uga murugaysan geerida naxdinta leh, waxay tacsi u dirayaan qoyska reer Fidar, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Cabdixaafid in uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo Marxuunkana uu Eebe Weyne Janadii Geeyo.

Aamiin Aamiin.