Inaa Lilaahi Wa Innaa Illaahi Raajicuun, Sheekh Cabdiraxmaan Cumar Jees oo ku geeriyoodey Dalka Hindiya.

 

Marxuun Xaaji Cabdiraxmaan Xaaji Cumar Jees, oo si kadis ah ugu geeriyooday dalka Hindiya, isaga ku jira fidinta diinta Islaamka.

Maamulka iyo shaqaalaha shabakada rasaasa.com, iyaga oo aad uga tiiraanyaysan geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuun Xaaji Cabdiraxmaan Xaaji Cumar Jees, waxay tacsi gaadhsiinayaan dhamaan qoyska reer Xaaji Cumar Jees, in uu samir iyo iimaan ka siiyo geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuun Xaaji Cabdiraxmaan Xaaji Cumar Jees, waxaanan Eebe weyne ka tuugaynaa in uu Marxuunka Janadii Geeyo.

Marxuunka ayaa dalka Hindiya u tagay hawlo fidinta diinta Islamka, waxaana uu ka tagay Jijiga oo uu reerkiisu degan yahay, Marxuunka ayaa hurdada ku nafbaxay.

Eebe wayne Janadii ha geeyo Xaaji Cabdiraxmaan Xaaji Cumar Jees,

aamiin, aamiin, aamiin

rasaasa.com