Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilaahii Raajicuun: Sheekh Maxamed Xikim oo ku Geeriyooday Magaalada Jijiga.

 

TacsiEebe Wayne naxariistii jano ha siiyee, waxaa Jijiga ku geeriyooday Sheekh Maxamed Xikim. Marxuunka waxaa lagu xabaalay Qabuuraha magaalada Jijiga.

Sheekh Maxamed Xikim, waxaa uu ka mid ahaa culimada aadka looga yaqaan degaanka Somalida Ogadeeniya iyo dalka Somaliya. Sheekh Maxamed Xikim wuxuu ifka kaga tagay in ka badan labo boqol oo tafiirtiisa ah.

Sheekh Maxamed xikim, kuma ekayn oo kaliya fidinta diinta Islaamka, laakiin wuxuu caan ku ahaa ka qaybqaadashada horumarinta Bulshada.

Maamulka iyo shaqaalaha bogga rasaasa News, waxay taci u dirayaan qoyska iyo qaraabada reer Sheekh Maxamed Xikim, in uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo Aabahood, marxuumkana Eebe janadii geeyo.

Aamiin Aamiin.