Ina Dhuubo oo Hal Todobaad Kaliya Jooga Eritrea Qaylo Dhaana u Soo Dirsaday, Ina Sheekh Ibrahin Cade.

 

Ina Dhuubo ayaa sidii aanu horeba idinku sheegnay, ay xukuumada Eritrea dalbatay in uu yimaado Eritrea si loogu ogolaado Jwxo-shiil in uu ka baxo Eritrea oo uu dawo meel kale ugu raadsado. Arintaas isku badalka ah oo dhacday uun muddo labo todobaad ah, ayuu Jwxo-shiil ka faa,iidaystay safar caafimaadna ku tagay dalka South Afrika, halkaas oo xiligan joogo.

Iyada oo ay arintu sidaas tahay, ayey wararka ka imanaya Caasmara, Eritrea, sheegayaan in Ina Dhuubo ay dirba soo foodsaartay dhibaato kaga imanaysa xukuumada Eritrea. Xukuumada Eritrea ayaa ka xiiso dhigtay kooxda Jwxo-shiil, iyada oo awal hore si khaldan wax loogu sheegay, balse maanta ogaatay mardabada kooxda.

Kooxda Jwxo-shiil, ayaa hore waxay uga heli jirtay xukuumada Eritra taageero milatari iyo mid dhaqaale, baryihii ugu damabeeyayse soo gabaabsamaysay. Waxaa halkaas ku yaalay xero milatari oo saldhig u ahayd kooxda Jwxo-shiil, laguna magacaabi jiray xerada tabobarka ee Galaal-xooro, xeradaasi waxaa la xidhay dhamaadkii sanadkii 2009.

Xeradii Qaxootiga ee ku taalay Casab ayaa iyana laga kala carary, xeradaas oo kolkii hore dadkii ku jiray ay qortay hayada UNHCR, siina jirtay cuntooyin, ayaa waxay sugayeen in loo qaado dalalka reer galbeedka, kolkii ay xumaaday xidhiidhka reer galbeedka iyo Eritreana Hyadda UNHCR, faraha ayey ka qaaday dadkii ay quudin jirtay, arintaas oo keentay in xeradii lagu kala guuro.

Dhinaca kale Casmara, ayey kooxda Jwxo-shiil, kulahayd Xafiis iyo guri bangalow ah, oo ay deganaayeen kuwa maamusha kooxda Jwxo-shiil, lacagayow badan waxay ka heli jireen xukuumada Eritrea.

Dhanka kale waxaa la waayey dhalinyaradii ka iman jirtay Somalida Ogadeeniya, waxaa isaguna gabaabsi noqday oo kala tagay ciidankii kooxda Jwxo-shiil gudaha u joogay.

Sida ay wararku sheegayaan xukuumada Eritrea ayaa ka warheshay in si xun loogu bahdilay Jwxo-shiil dalka South Afrika, waxayna dareentay in waxba uusan cagan ugu jirin Jwxo-shiil. Waxayna u sheegtay Ina dhuubo in maanta wixii ka dambeeya laga rabo Kirada Xasiifka iyo guriga uu seexdo, waliba in uu mushaar siiyo haweenka Eritreanka ah u shaqeeya oo ay awal xukuumadu mushaar siin jirtay.

Ina Dhuubo ayaa qaylo dhaan u soo dirsaday wiil Ina Sheekh Ibraahin Cade ah, oo kooxda Jwxo-shiil ka kiraysatay meel qol ah oo ay kooxdu ku heshay magac Jaaliyadeed oo ku yaal Kobenhegan, Denmark, qolkaas oo uu wiilku ka dhigtay makhaayad laga shaaheeyo.

Ina Dhuubo, ayey shabakada rasaas.com hore uga digtay, in Ina dhuubo uu noqondoono ninka ugu dambeeya ee Ogadeen ee ku dhintay Eritrea, madaama ay hore si khaldan ugu dhinteen dad badan oo u dhashay dhulka Somalida Ogadeeniya.

Arimaha kooxda Jwxo-shiil
rasaas.com

rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo