Ina Dhuubo oo Denmark Dhuumasho ku Yimi, Guryahana Habeenkii u Kala Dhuumanaya, Muxuuse ku Yimid?

 

Somalida ayaa waxay ku maahmaahdaa, “meeshii xinjiri ku daadato xab baa lagu bururiyaa”, Ina Dhuubo guurka Islaanta uu Australia ku guursaday gabaad ma uga noqon kartaa dhagarta uu galay? …….

Sida ay noo soo sheegeen xubno ka tirsan Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee Denmark [JSOD], waxaa dhawaan dhuumasho ku yimid Denmark Ina Dhuubo, ka dib kolkii uu afka ka soo gujiyey Qaaxo oo ay si gaar ah isugu qadhaabtaan, Islaan reer koonfureed ah oo Garoob ahna sharci loogu gabaday.

Hadaba, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan Jaaliyada, Ina Dhuubo sharci kuma laha wadanka Denmark, waxaana isweydiin mudan sida ay ku dhacday in uu ka dhoofo uguna soo laabto dalka Denmark isaga oo aan sharci ku lahayn, dalkaas oo ka mid ah wadamada ugu sharciga adag dalalka Yurub?

Sida la sheegay dalka Denmark waxaa degan nin lagu magacaabo Ibrahin Ula oo Hawiye ah ninkaas oo ay saaxiib yihiin Ina Dhuubo, ninkan ayaa sida la sheegay waxaa uu si talantaali ah isaga dhiibay dhawr dal, sidda dalka Ingriiska, Australia, New Zealand iyo Denmark oo ah dalka uu haatan degan yahay.

Ula sida na loo sheegay waa nin mar mar ka hadla Ideecada Internetka ee kooxda Jwxo-shiil, waxaa uu ka soo jeedaa dhulka Somalida Ogadeeniya, waxaana uu inta badan ku dhex jiraa Jaaliyada ka soo jeeda dhulka Somalida Ogadeeniya, waana ninka ay wada qayilaan Cabdi-ganaf oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka Kaalinka 5aad, isaga iyo Ina Dhuubo.

Ula markii uu u soo baxay sharcigii been abuurka ahaa ee uu ku lahaa dalka Austrlia, ayaa lagu baaramay in la siiyo xoogaa qaraan ah oo laga uruuriyey Jaaliyada Iskandinifiyanka, isaguna uu siiyo sharciga uu ku lee yahay Australia Ina Dhuubo.  Sidaasi ayaa sawirada Ina Dhuubo loogu xareeyo sharci beenaadka Ulla, una uga dhoofay Denmark isaga oo Australian ah, waxaase soo baxaya arimo sida la sheegayo uu khatar ku gali karo Ulla, kuwaas oo ah in Immigrationka dalka Danishku war galiyey booliska in la soo xaqiijiyo sida ninkani kolkii hore dalka ku soo galay.

Dhinaca kale Ina Dhuubo oo hore u guursaday dhawr gabdhood oo reer Cabdile ah, ayaa damcay in uu guursado Islaan garoob ah oo reer Isaaq ah oo uu hore u qabi jiray nin caan ah oo reer cabdile ah, balse kolkii dambe furay, Islaantaas oo uu doonayey in uu ku qaato sharciga Inggriiska ayaa loo diiday, dabadeedna waxaa uu Australia ka guursaday Islaan kale oo garoob ah oo uu u guursaday sharci ku doon iyo dabo galenimo.

Ina Dhuubo kolkii uu ku soo laabtay Denmark waxaa uu la soo laabtay dabeecado hor leh oo ah kalsooni iyo dadkii aad dakanaha ka qabtay waxba ku yeeli mayaan haatan. Sida ay wararku sheegayan waxaa uu tagayaa haatan guryaha rag ay Islaanta uu guursaday Eedo u tahay aadna hore u necbaa Ina Dhuubo. Ina Dhuubo, waxaan u malaynayaa in uu Iloobay Maxamed Kiin Cabdulahi heebaan oo seedigii ahaa iyo Dhirbaaxadii Diri Dawa, waa in uu ogaadaa in dekanadu ay ka xoog badan tahay garoob la guursaday.

Ina dhuubo iyo saddexda nin ee ka dambeeyey dilkii Dr.Dolal, way ku adkaan in ay si xoriyada ugu noolaadaan dunida, waxaa iyaguna taariik madow ugu jira umada Somalida Ogadeeniya dhawr iyo toban nin oo aan soo liistayn doono oo si khaldan ula shaqeeyey Jwxo-shiil, dhibaatooina u gaystay halganka iyo ummada Somalida Ogadeeniyaba.

Arimaha Bulshada
rasaas.com

rasaasbaa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo