Ina-dhuubo oo Cadho Is-hayn Waayey Cadeeyeyna in ay Dileen Dr. Dolal, Salaxudiina ay ku Daba Jiraan.

 

Waxay noqototay wax laga fajaco, ka dib kolkii uu Ina-dhuubo dhawaaq ka soo baxay uu u dhiibay VOA-da, isaga oo yidh “Dr. Dolal dambi buu galay Salaxudiina waanu daba joognaa.”

Tolow hadalkaas maxaa ka keenay, Salaxudiin Cabdiraxman oo gudoomiye u ah garabkii ONLF ee uu hore u hogaamin jiray Dr. M S Dolal, oo si qarsoon loogu dilay kal hore gudaha Ogadeeniya.

Warbixino dhawr goor soo baxday oo ku kala qornaa afafka Ingriiska iyo Somaliga ayaa waxaa ku qoraa in dilka Dr. M S Dolal ay ka dambeeyeen rag afar ah oo ka tirsan ururka ONLF, garabka ay ishayeen oo uu hogaamiyo Maxamed Cumar Cismaan. Dr. Dolal ayaan laftigiisu qarinin in la doonayo in la dilo oo arintaasna ay wadaan rag uu magac dhabay intii uusan dhiman.

Dr. Dolal, oo ka mid ahaa dadkii ugu caansanaa ONLF, saaxiibo badana ku lahaa ururka dhexdiisa, walow ay qaar badan oo ka mida ururka ay siyaasad isku hayeen. Lagama hayo garabka ay ishayeen wax hadal beenin iyo rumayn midna, waxaa kale ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan waxqabadkiisii halgan ee dheeraa. Arintaas oo ay dadweynaha shakisani u fasirteen in ay ka dambeeyeen dilkiisa, hadana ehelkii Dr. Dolal, marna ma ayna ka daalin ka dabaakhtanka dilka foosha-xun ee loo gaystay Dr. Dolal.

Hadaba, hadalkan dhaadashada ah ee dhawaan ka soo yeedhay Ina-dhuubo, ayaa abuuri kara xiisad hor leh, kolkii uu si cad Ideecadha uga sheegay in Eng Salaxudin ay daydayso kooxda uu Ina-dhuubo ka tirsan yahay. Arintan ayaa waxaa aad uga xanaaqay dadweyne badan oo yidhi ma tii ay dhigeen ayey rabaan in ay tu kale ku daraan.

Sida ay warar hoose sheegayaan dad ka tirsan Beesha uu ka soo jeedo Eng. Salaxudiin, ayaa iyagu arintaas u qaadatay sidii wax ku dhacay Engineerka oo kale. Waxaa socda baa la leeyahay cadho aad u badan iyo waliba caraatan dhexmaray dhalinyaro.

Eng. Salaxudiin oo isagu qaba in uu yahay hogaamiyaha ONLF, ayaa todobaadkii hore wadahadal nabdaded la galay dawlada Itobiya. Waxaa kale oo Ideecada VOA ka hadlay saraakiil sare oo ka tirsan ONLF oo iyagu ah dhinaca Engineerka.

Hadalka Ina-dhuubo ayaa biyo dhiciisu yahay wadahad Salaxudiin lama gali karo dawlada Itobiya, hadii uu la galana shaqaanu ka qaban.

rasaas.com