In uu Eebe I Caynshiyo Cibaaddaan ku Jiraa, Cafwan Raali Ahaada

 

“Sacuudi Carabiya waxaan u imid cibaado, cimrina waan ku jiraa ee cafwan raali ahaada” Erayadaas waxaa yidhi Macalin Diirane, oo dambi dhaaf Eebe Wayne dartii u tagay dhulka barakaysan ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Jajabkii kooxda Jwxo-shiil, ayey qaarkood la gashay in ay haatan Eebahay dambi dhaaf waydiistaan, kana toobad keenaan dunuubtii ay ku galeen magaca kooxda Jwxo-shiil. Laakiin waxaa dhibaata ah in shaydaanku uu meel walba taagan yahay oo dadka taga dhulka barakaysana uu dhinac taagan yahay.

Macalin Diirane, oo isagu baryahan dambaba u jeedsaday in uu dib u hanto cibaadadii ay ka kala fokisay ONLF, gaar ahaan kooxda Jwxo-shiil, ayaa ku noqnoqda dhulka barakaysan, geesna iska dhigay dambiga Jwxo-shiil.

Shaydaanku, waa la col cid kasta oo wanaag samaynaysa, Jwxo-shiil-na waxaa uu ka mid yahay shaydaanka. Macalin Diirane oo gudanaya waajibaad ka mid ah waajibaadyada Islamka, ayaa waxaa uu Jwxo-shiil ku abaabulay koox reerkiisa ah in ay u qabtaan shir si ay u dambaajiyaan.

Macalin Diirane, oo Yuruba wax ka qaban waayey ayeyna suurto gal ahayn in uu Jwxo-shiil wax uga qabto dal uu cibaadaysi u tagay. Diirane oo la qasbay ayaa kulan ay dad yari isugu yimaadeen ka yidhi “cibaado ayaan sacuudiga u imid, in aan dad shiray ku dambaabana ma doonaynin” “hadaad i soo khasabteena waxaan idin lee yahay halgankii wuu burburaye taageera bal in wax uun laga dabo qabto” ayuu yidhi isga oo quus taagan.

Waxaana warbixin been ah oo ayna waxba ka jirin Macalinka ka qoray ogadennet iyo Ina Miraad Layli, sawir waa hore ahna soo dhigay bogga hore.

Macalin Diirane, oo danihii uu ka lahaa ka gaadhay ONLF, ayaa ku foofay danihiisa gaarka ah, kuna jira qorshe abaal oo uu ku samaysanayo Hay,ad khayriya ah, maadaama uu kolkiisii hore ahaa nin wadaad ah.

rasaas.com