Ilko Abeeso Hoos ka Xidhiidhsan, Reer Isaaq Nabad Bay Qaateen Been Dheh!

 

Waxaan baryahan oo dhan aan indhaha ku haynay saxaafada degaanka Somalida Ogadeeniya, oo u qaybsan kuwo siyaasad ahaan raacsan dawlada degaanka Somalida iyo kuwa hore u taageersanaa dagaalka ay degaanka ka waday Jwxo.

In kasta oo ay Boggagu kala taageersan yihiin labadaas meelood hadan waxay u sii qaybsan yihiin beelo mid walibana waxay qortaa oo kaliya wax ay is leeyahay beeshaada ayuu u fiican yahay ama degaankeeda, taas oo aan dhab ahayn.

Waxaa dhab ah in danta gaar ay ku jirto danta guud iyada oo aan la xasilinin danta guudna in aan waxba laga qaban karin danta gaar. Waa dhab in ummad waliba ay u qaybsanto beelo, mana ah beeshu wax la qarin karo, laakiin waxaa xun in beesha kuligeedba ay xumo isku raacdo ama beelnimo wax la isku yeelo.

Jwxo, waxay ahayd urur siyaasadeed oo aaminsan in xuquuqda gabalka Ogaden ay Itobiya banaanka ka dhigto ama ay faraha ka qaado gabi ahaanba maamulka gabalka Ogaden.

Sida dhabta ah Jwxo, waxay ku abtirsan jirtay qabiilka Ogadeenka, waxaana ka mid noqday ruux kasta oo Ogadeen ah meesha uu doono ha ka yimaadee.  Waxaa banaanka ka istaagay dhamaan beelaha dega degaanka Somalida ama guud ahaanba dadweynaha Somaliyeed “nin walaalki uu diidan yahay dawlad noqon waaye.”

Akhiritaankii waxaa Jwxo madax u noqday Janan Somaliyeed oo Ogadeen ah, oo aan waligii hore loogu maqal qadyada gabalka Ogaden.

Jwxo, waxaa ku kali noqday reerka Ogadeen. Dawlada Eritrea ayaa bilowday in ay bixiso waxoogaa dhaqaale ah oo ay kula dagaalamayso dawlada Itobiya ka jirta.

Arintaasi waxay keentay in Jwxo, uu hal reer uu ku bato reerkaas oo aan lahayn ujeedo qadyadeed balse difaacaya dhaqaalaha laga helo Eritrea ee lagu helo magaca Jwxo iyo masuulkii xiligaas. Halkaas waxaa ka bilaabmay in Ogadeenkii isku kaliyeeye Jwxo in uu isaga laftigiisii is arko oo uu iska horyimaado.

Arintii waxay isgu soo biyo shubatay “walaalo isnacaa way xoolo yareeyaan wayna xabaalo badiyaan.” Jwxo garab ka mid ah oo beel loo aanaynayo waxay la gashay dawlada nabad, waxaa isana nabad qaatay urur kale oo isaga laftigiisa marka la xumaynayo reer loo aaneeyey.

Waxaa nabada diiday koox reer loo aaneeyo, waayo reerkaas oo dhan ayaa taageera.

R/wasaaraha Itobiya ayaa cadeeyey sida ay Ogadeen dhaxdiisa wax uga socdaan, wuxuuna beel ka mid ah beelaha Ogadeen ku sheegay in ay taageerto nabad diidka.

Beesha reer Isaaq oo ahayd beesha uu Ra,isal wasaaraha Itobiya magacaabay, waxay shir ku qabatay magaalada dhagaxle waxayna sheegtay in ayna nabad diid ahayn taageerayna nabada.

Waxaa muuqata in shirkii ay beeshu qabatay uu ahaa uun dhoola tus balse uusan ahayn mid dhab ka ah. Arintaas waxaa daliil u ah in uusan jirin ilaa iyo maanta hal ruux oo beesha ah oo taageero u muujiyey ururka nabada qaatay ee ONLF ee uu hogaamiyo Eng. Salaxudin.

Boggaga beesha reer Isaaq oo ay ugu horeeyaan bogga Somalistate.com, oo isagu isu muujiya in uu taageero siyaasada dawlad degaanka Somalida ayaa waxaa uu samaynayaa qoraalo uu ku xagal daacinayo dadaalada nabada ee ka socda degaanka Somalida.

Bogga Somalistate.com ayaa waxaa uu jeclaan lahaa in booska Eng Salaaxudiin uu ku jiri lahaa Jwxo-shiil, waxaya aad u dhaliilayaan nabada uu qaatay Eng. Salax oo hogaamiya ururka ONLF.

Maxaad ka filaysaan boggagii hore u taageeri jiray Jwxo-shiil, oo eegga kuligood weer cad xidhay. Waxaa cadaatay in taageerada beesha reer Isaaq gudo iyo dibadba ay tahay uun Jwxo-shiil, balse ayna ahayn qadyad taageer.

Jwxo-da, nabada qaatay ma taageerayaan oo bahgari baa madax ka ah. Hadii Jwxo-shiil, maanta la badalan laga maqli maayo Jwxo, dambe.

Sidaas daraadeed arintaas ay beeshu ku dhaqmayso waa tusaale xun [limbo] oo ay suurto gal tahay in ay qaataan  beelaha kale ee Ogadeen oo khalad iyo saxba ruuxii reerkooda ah taageeraan.

somalistate 1
somalistate 2