Home / News in Somali /
Ilaahayoow Uusan Af Maal Erayo na Taaran
Ilaahayoow uusan af maal na aafaynin baa lagu ducaystaa, waxa uu sheego ruuxa af maalka ahi waa wada run baa la sheegaa.
Tixmaanku bulshada waxaa uu dheer yahay oo ilaahay uu hibo u siiyey, in marka uu doonayo in uu wax sheego uusan u baahnayn hadal dheer, balse uu isticmaalo erayo kooban oo micno balaadhan huwan.
Waxaa la sheegay in Sayyid Maxamed Cabdile Xasan uu ahaa ninkii Somalida ugu gabay badnaa, ruuxii uu gabay wax kaga sheegana uu ummada ka takooraan jiray, hadaba, waxaa la yidhi nin la odhan jiray Cali Jaamac Haabiil, oo ahaa nin ay aad isu hayeen, ayaa yidhi aniga Ina Cabdile Xasan iima gabiyi karo waayo waxaan ahay nin aan lahayn Iin loogu soo gabado oo gabay ima qaban karo.
Runtii, runtiina way ahayd oo waxaa uu ahaa nin Eebaha wayni dhamaystiray, laakiin gabyaaga garan maysid meesha uu wax ka sheego kolka uu kuu gabyana waxaa laga yaabaa in aad iska hesho dabeecadaha aadan isku ogayn iyo calaamadaha aadan isku ogayn.
Hadaba, waxaa dhacday in Sayyidku uu gabyey u tiriyey Cali Jaamac Haabiil oo ay erayadiisa ka mid ahaayeen [Huuraale Cali Jaamac iyo Holoq Dameer baa leh], erayadaa markii loo sii dhabo galay waxaa la ogaaday in Cali Jaamac ay kala tageen Haween badan qaarna ay ka dhinteena, sabatuna ay ahayd baa la yidhi waxaa sax ahaa erayga uu Sayyidku sheegay. Waxaa kale oo uu ahaa baa la yidhi nin Ilkaha ku lahaa Dabar-qoteed oo kolka aad u dhawaato aadan mantaga ceshan karin.
Hadaba waxaa tix gabay ah na soo gaadhsiiyey ruux aanaan helin magaciisa, balse aad u duraya dad ay is-hayaan, bulshada ayaanu u dayn wax ka run ah gabaygiisa iyo wixii aan ka run ahayn. Iyaga laftigooda waxaa laga sugayaa in ay isdifaacaan oo ay soo diraan dhinacooda.
Nala wadaaga tixda gabayga ah;
waligaa geediyo dheer, waxaad gawska ku ruugtiyo ma u guurtay garaabo?
waligaa gabadh dheer, intaad geesta uriixday guntigeeda malaacday [Mr Garaabo iyo Cali Urahaye waa cali yare]
waligaa ma gablaysay oo gini reer laga qaaday ma ku gaaday garaabo
waligaa gacalkaaga intaad goorada laacday ma ka doontay garaabo
waligaa geenyo gabdheed oo ragu geesta ka eegto gumeerkeeda ma laacday adigoo gini dooni Mr Garaabo
waligaa ma gawaantay sodohdaa golankeeda ma la gaaday gafuurka adigoo garanaaya Cali Urahaye?
waligaa goobo banaan oo gacalkaagu ka buuxu intuu geedku istaagay maryihiiba ma goostay [Cabdi Dheere]
waligaa gabdhaada gosha naaska malaacday adigoo gabgablayni oy garaabo kuhayso Mr garaabo
waligaa mid guduudan intaad geesta u feedhay ma u guurtay guntiino meher aan lagu goynin [Mr Gaange]
waligaa gobta reerka intaad geesta ka raacday hadba goob ma istaagtay adigoon lagu gaynin [Cumar Chicken]
waligaa gurigaaga habeenkii ma kaguurtay adiga oo sina goobi [1000 shaatiile sheekeeye]
waligaa gudbantii iyo intay geeri ku saaqday ayadoon godlagaynin gorgortan geed ma u xaadhay[1000 shaatiile]
oo markii goob lacageed iyo gansabtii lagu siiyay sodagii garlahaa iyo sodohdii garlahayd ma ka geesa wareegtay [1000 shaatiile], oo gabdhihii yaryaraa hadba gees ma ulaacday
Arimaha Bushada
rasaas.com