Dastuurka Somaliya oo Qodobo ka Mid ah Dib Loogu Noqonayo

 

Dalka Somaliya oo uu dagaal beeleed ka socday mudo 22 sano ah, ka dibna dawladaha aduunku u dhiseen dawlad sanadkii hore, ayaa waxaa soo foodsaaray dhibaatooyinkii burburka keenay kuwa la mid ah, kuwaas oo u dhaxeeya beelaha Somaliya. Beelaha qaarkood waxay samaysteen maamulo gabaleedyo qaarkoodna waxay sheegteenba in ay ka go,een gabi ahaanba dalka Somaliya.

 

Dalalka aduunku waxay dadaal badan ku bixiyeen sidii uu dalka Somaliya u noqon lahaa dal jira. Waxaana loo sameeyey dastuur ay ka qayb galay samayntiisa dad Somali ah. Waxaa ku jira dastuurka qodobka federaalka, kaas oo aan lagu cadaynin, inta maamul gabaleed ee uu dalku yeelanayo iyo cida awooda u leh samaynta maamul gabaleedyada.

 

Kolkii la dhisay dawlada Somaliya, waxaa jiray maamulo hore u samaysmay oo iyagu ka awood badan dawlada kana qayb qaatay dhismaha dawlada iyo kuwo ku adkaysta in ay ka go,een.

 

Somaliya dadkeedu waa isku af, diin, dhaqan iyo dhalasho, hadana waxay ku heshiin waayeen in ay samaystaan dawlad dadka u dhaxaysa.

 

Sidaas daraadeed waxay bulshada caalamku dan mooday in Somaliya ay federal noqoto.

 

Dhismaha dawlada maanta jirta, waxay dib u soo celisay xasaradii Somaliya, ka dib kolkii ay soo baxeen maamul gabaleedyo cusub oo doonaya in ay samaystaan maamul gabaleed.

Maadaama ay dalka dawladi ka jirto, waxay dawladu isu aragtay in ay iyadu leedahay awooda dhismaha maamul gableedyada dalka maadaama uusan qodobkaasi si qeexan u cadaynayn awooda dawlada iyo maamul gableedyada.

 

Waxaa kale oo aan dawlada iyo dadka Somaliya ka dhamaan fikirkii qabiilka ee qaranka dumiyey sababayna in la sameeyo qodob federal qabiil ah.

 

Waxaa madaxa iskula jira dawlada Somaliya dhaxdeed iyo waliba dawlada iyo maamul gableedyada cusub. Dawlada oo ay taageerayaan ciidamo Afrikan ah iyo beesha uu madaxwaynuhu ka soo jeedo oo ah mida leh magaalo madaxda ayaa waxaa u dhaxeeya looltan xoog leh oo dib ugu celin kara Somaliya dagaal sokeeye.

 

Dawlada maanta jirta iyo beesha taageerta ayaa waxay istusayaan, maadaama

uu aduunku siinayo taageero in ay muquuniso hayadaha sharciga sida baarlamaanka iyo dadka diida fikirkeeda.

 

Magaalada Muqdisho, waxaa ka jira xaalado xasaasi ah, kuwaas oo ah in hantidii beelaha kale lahaayeen sida; guryaha, dhulka, warshadaha iyo beeraha loo diiday dawladuna ay ka aamustay arintaas. Waxaa kale oo aad u adag in magaalada Mudisho ay joogaan dadka ka yimid beelaha kale nooc kasta oo ay yihiin. Xubnaha baarlamanka iyo wasiirada dawlada waxaa amaankooda suga ciidamada Afrika ee jooga Muqdisho.

 

Arinkaas oo ay ka warhayaan dawladaha IGAD, in kasta oo ay ku qaybsan yihiin hanaanka ay dawlada Somaliya wax u wado iyo caqabadaha ka horyimid dib u heshiisiinta dadka iyo dalka Somaliya.

 

Dalalka IGAD ayaa waxay doonayaan in ay mar labaad dib isugu yeedhaan dadka Somalida si dib loogu qoro qodobo dastuurka ka mid ah inta aan lagu dhaqmin.

 

Dawlada Somaliya oo ah mida aan xaalkeeda ognahay waxay doonaysaa in aduunyadu uga dambayso arimaha Somaliya iyada, arintaas oo ujeedadeedu tahay muquunin beelaha kale ee Somaliya.

 

Waxaa socda dacwado ay wadaan beelaha Somalida ee ka dhanka dawlada iyo muquuninteeda iyo dawlada iyo beelaha taageera oo dhinac ah.


Waxaa socda shirkii ururka midowga Afrika kaas oo ka socda xarunta ururuka midowga Afrika. Sida ay wararku sheegayaana waxaa loo balansan yahay ka hadalka arimaha