Hosni Mubarak, oo la Sugayo in uu Saacad Dhaw Iscasilo

 

Madaxweyne Masar Husni Mubaarak, oo la filayo saacadaha fooda inagu soo haya in Telefishinka kala hadli doona dadweynaha ee Masar ayaa aad loogu badinayaa in ku dhawaaqo in uu xafiiska Madaxweynenimo Banaynayo.

Xoghayaha xisbiga talada haya [NDP] Hossan Badrawi, ayaa saxaafada u sheegay in uu Madaxwenuhu xilka ku wareejinayo Madaxweyne ku xigeenka Omar Suleiman.

Xarunta dhexe ee haydda sirdoonka Maraykanka ayaa sheegtay in Hosni Mubark, uu xafiiska madaxweynenimada si dhakhso ah uga tagi doono.

Arintan ayaa imanaysa ka dib kolkii 17 maalmood oo xidhiidh ah ay dadweynha reer Masar samaynayeen banaanbaxyo joogta ah oo ay ku codsanayaan in uu madaxweynu baneeyo xafiiska madaxweynenimada.

rasaasa.com