Horumarinta Degaanka Somalida Ethiopia Halkay Maraysaa?

 

April 6, 2012 [ras] – Ku dhawaad labo sano waxaa degaanka Somalida Ethiopia [Ogaden] ka jirta  nabad la isku halayn karo, ka dib kolkii ay heshiis nabadeed wada galeen dawlada dhexe ee Ethiopia iyo ururadii dagaalka kula jiray mudada dheer.

Heshiiska nabadeed ka dib, waxaa degaanka Somalida Ethiopia, dib ugu soo laabtay qurbo-joog aad badan oo u dhalatay degaanka sanooyin badana dalka ka maqnaa, kuwaas qaar badan oo ka mid ah waligood ma arag degaanka Somalida.

Waxaa kale oo uu isbadal ku yimid niyada dadweynaha ku nool degaanka Somalida Ethiopia, oo awal hore u dhaxeeyey labo xabadood, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay qaxooti ku yihiin dalka Kenya.

Quba-joogta u dhalatay degaanka Somalida ee dib ugu laabatay dalka waxay doonayeen fursado shaqooyin ganacasi iyo sahamo ku saabsan wax ka jira degaanka Somalida iyo suurtogalnimada maal gashi dhab ah.

Dawlada degaanku waxay samaysay safaro iyo soo dhawayn xad dhaaf ah oo ay u fidisay qurba-joogta u dhalatay degaanka Somalida Ethiopia ee ku nool dalalka reer galbeedka, taas oo runtii ay ku bixisay kharashayo aad u badan oo aan munaasab ahayn bixintoodu.
Waxay abuurtay xafiis ay ka hawlgalaan 10 shaqaale ah loo bixiyey xafiiska qurbo joogta, oo ka furan Addis Ababa iyo Jijiga.

Dadweynaha ku nool sagaalka gabal ee degaanka Somalida Ethiopia, oo mudo dheer ku jiray xanuun xabad, gaajo iyo horumarin la,aaneed ayaa waxay muujiyeen in lacagata degaanku galayso meel aan munaasab ku ahayn.

Qurbo joogta degaanka imanaysay waxay isugu jireen saddex qaybood, dambeeri dhaan dhaarcday, dudo joog ku xidhan dawlada degaanka Somalida Ethiopia iyo dad jecel in ay ka abuurtaan fursado shaqooyin ganacsi oo ay kaga nastaan nolosha qurbaha.

Runtii dadka aqoonta leh ee dalka dib ugu soo laabtay way yaraayeen, walin ma aanaan arag cid ka soo saartay warbixin dhab ah oo aan dhinacna raacsanayn balse sheegta waxay aragtay.

Shaki kama joogo in degaanka Somalida Ethiopia ay nabad galiyo la isku halayn karo ka jirto, taas oo ilaalinteeda uu xil wayn ka saaran yahay dawlada dhaxe,dawlada degaanka iyo dadweynaha degaanka Somalida Ethiopia.

Xaalada nabadeed ee mudada labada sanaha ka jirta degaanka Somalida meelaha aan wali wax isbadal muuqda ah laga dareemaynin waxaa ka mid ah horumarinta guud, sharciga iyo cadaalada.

Dawlada degaanka, qurbo-joogta iyo dadweynaha degaankuba mudada labada sano ah  ee ay nabad galiyadu jirto degaanka, waxaad moodaa in ayku wareeren erayada horumar iyo horumarin. Horumar waa marka nolosha dadweynaha ku nool dal ay gaadho heer baahi la,aaneed dhinacyada nolosha.

Horumarin waa hanaanka la maro si dal iyo dadkiisu ay u gaadhaan horumar nolol baahi la,aan ah dhinac walba oo nolosha ah.

Degaanka Somalida Ethiopia horumar kama jiro, Ethiopiana kama jiro umana dhawa horumar sanooyinkan, laakiin waxaa ka socda dalka Ethiopia horumarin balaadhan iyo koboc dhaqaale oo mustaqbalka keeni karo horumar hadii uu sanooyin ku socdo sida uu ku socdo.

Degaanka Somalida Ethioppia su,aashiisu waxaa weeyey horumarin ma ka socdaa misi wali waxaa uu taagan yahay degaanku halkii uu taagnaa xiligii ay Jabhaduhu dagaalka ka wadeen degaanka. Xiligaas oo ay dawladu eeda horumarin la,aaneed oo dhan ay saari jirtay ururada dagaalka ka wada degaanka.

Dadweynaha degaanka Somalida u dhashay ee dibada ku nool iyo kuwa guduhu wax yar bay kala badan yihiin. Dadweynaha qurbo joogta ah waxa qanciya waa horumarin, sharci iyo cadaalad ka dhalata degaanka oo ay ka mid noqdaan ka qayb qaadashadeeda.

Xaqiiq waxaa ah in qurba-joogta Aqoonleyda ah ee degaanka Somalidu si la mid ah quro-joogta degaanada kale ee Ethiopia ay kula xisaabtami dawlada dhexe iyo mida degaankaba horumarinta gayigooda si nabad galiyo ah.

Runtii labo sano waa mudo yar, marka dhinac kale laga eegana waa wakhti dheer oo ay muuqan karto horumarin laga sameeyo dhul waxba la,aan ah.
Waxaan ku tilmaamaynaa degaanka Somalida wixii ka horeeyey labadii sano ee nabada la haystay dhul waxba la,aan ahaa, marka laga reebo degaanada u dhaw xarunta dalka Ethiopia.

Degaanka Somalidu waa sagaal gabal iyo 67 degmo, oo 15 ka mid ah ay yihiin degmooyin cusub, hadaba waxaynu degmo degmo ugu eegi doonaa qormooyin is daba joog ah oo la xidhiidha horumarinta degmooyinka, ka dibna waxaan si guud u eegi doonaa horumarinta ka jirta gabalada.

 


La soco qaybta 2aad.


rasaasa.com