Horaa Loo Yidhi “Indho Wax Xun Arkaya Afkoodaa qar Nugul”

 

Waxaanu helaaa maalin walba qoraal aad u badan, in kasta oo qaarkood ay cay ku jirto, hadana waxaa iyaga laftigooda ka buuxa xigmado ay aad u wanaagsanaan lahayd in ay wax ku qaataan Jwxo-shiil, Jwxo-shiilo, Jwxo-shiilada  iyo inta dhibaatada ku haysa halganka Somalida Ogadeeniya.

Murtiyadaas qiimaha leh, ee danta u ah ummada Somalida Ogadeeniya, waxaa waxba kama jiraan ka dhigay aragtida ah “dhago laydh u duleela” oo aan aad ugu naqaano Jwxo-shiil. Waxaan aad iyo aad ujeclahay in aan xusuusiyo akhristayaalka in 4 sanno ka hore ay Odayaal iyo Aqoon yahan reer Ogadeeniya ah ay uga digeen Jwxo-shiil in uusan ummada Somalida Ogadeeniya u horseedin colaad sokeeye, taas oo ay ugu dambaysay Ogadeeniya 42 sano ka hore.

Jwxo-shiil kolkii laga quustay, ayaa waxaa kor iyo hoosba loola hadlay Odayaal ay isku beel yihiin oo uu ugu horeeyo ninka haatan uga Ololaynaya dalka Kenya, Cadami, waxaana la hadlay Odayaal Ogadeen ah, hadaba iska dhaaf garawsho uu u garaabo Odayaalka dhigiisa ah ee waxaa uu bilaabay in uu xin Jabhad u noqdo [Qabiil ku Jabhad].

Waxaan u sheegaynaa ummada Somalida Ogadeeniya in aanaan qoraalada aan samaynayno, ayna kama,a naga ahayn ee ay yihiin in aanu ummada baraarujino si halganka Somalida Ogadeeniya uusan u baabi,in oo uu dib ugu soo laabto halkii uu taagnaa 6 sano ka hore, waayo waxaa uu maanta taagan yahay meeshii ugu hoosaysay intii uu jiray, waayo halganka waxaa wada niyad [moral], hadii ayna niyad jirin wanaag ma yimaado.

Waxaad ogaataa ummada Somalida Ogadeeniyaay si uu dal xornimo u helo ama loo siiyo waxaa lagu qiimeeyaa is maqalka iyo sida ay umadaasi ugu dhaqanto shuruucda ay samaysatay, hadii loo arko in ay tahay ummada wax isu quudha oo ixtiraamta waxa ay ku heshiisay waxaa dhab ah in ay soo jiidan aduunka intiisa kale iyaduna ay ku waari nabad iyo isjacayl lagaga daydo. Waxaana ummadaha aduunka lagu qiimeeyaa ku dhaqanka wax ay dhigteen India waa dalka ugu tirada badan aduunka ee ugu dimoqraadiyada fiican aduunka, D,Jabouti waa dalka aduunka ugu yar, waana dalka aduunka dadkiisu isugu maqalka badan yihiin.

Hadiise ay noqoto mid ku dhisan is muquunin, wax quudh la,aan iyo in aan la tix galinin sharciga la dhigtay, ummadaas waxa u dambeeya is nacayb dagaal sokeeye iyo in uu aduunku indhaha ka qabsado, lana suggi maayo in ay ummadaasi wanaag waligeed gaadho.

Waxaan arkaa, in maanta ummada Somalida Ogadeeniya ay dhabahaas qaaday ayna adag tahay sida ay uga badbaado, kolba hadii ayna jirin cid is qabanaysa ama ay lexejeclo ka hayso halgankan hoobtay ee Somalida Ogadeeniya. Wax kasta oo ay akhriyaan waxaan maanta loo soo istaagaynin xubnaha ururka Jwxo ee awal hore la jeclaa, nooca ay doonaanba ha ahaadaane, marka laga reebo dad qabiil ku taageera.

Kolka ay dawladaha xaaladoodu sidaas oo kale noqoto oo ay waayaan kalsoonida dadweynaha, hadii ay dalkaas ka jirto dawlad dadweyne, waxaa mudoharaadyo xoog ah ku badala dawladaas dadweynaha [civil disobedience], hadii ayna dawladaasi mid dadweyne ahayna waxaa xoog ku muquuniya ciidanka dalka oo ay dadweynuhu raali ka noqdaan [military coup].

Hadaba hadii uu maamulku ahaa mid Jabhadeed, oo la dagaalamayey dawlad gumaysi ah ama ay Jabhadu ahayd mid doonaysay in ay xukuumad badasho oo ay waydo kalsoonida dadweynaha ama iyada dhexdeedda ay kalsooni waydo maxaa dhici?. waa mida maanta haysata Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [Jwxo]!

Waxay arintu ku xidhnaan labo arimood; xirfada siyaasadeed ee ay isticmaasho xukuumada dagaalka lagu hayey iyo heerka bisaylka siyaasadeed ee dadweynaha ay Jabhadaasi ka soo dhex baxday ay lee yihiin. Waxaa jiri karta mid saddexaad oo aad u yar in ay dhacdo, waa hadii ay xubnihii hogaaminta ee ay Jabhadaasi lahayd ay la yimaadaan in ay xaga dambe Jabhada kaga faylaan oo dad aan hore loogu baranin, balse magac ku leh dadweynaha dhexdiisa lagu wareejiyo maamulka iyaguna ay qirtaan in ay khalameen.

Saddexdaas arimood oo aanan sharxin labo ka mid ah, wixii aan ahayn ma badbaadin karaan halganka ay wado Jabhadaasi. Tusale ahaan Bulisaaria oo la dagaalami jirtay dalka Marooko iyo Jabhadii ugu dambaysay ee ugu dagaalka dheerayd waa Tamiil Tiger oo iyada khilaafkeedu uu ahaa oo kaliya iyada dhaxdeedda, balse ay dadweynuhu ahaayeen kuwo midaysan.

Waxaan aad uga xunahay dhibaatada haysata halganka ummada Somalida Ogadeeniya iyo sida aynaan wanaag uga helaynin gumaysiga Itobiya, xitaa hadii aan joojino halganka aan wadno. Waxaa kale oo aan la qarin karin dhibaatbada jirta ee haysata halganka ay waday Jwxo oo eegga lugta la galay is nacayb dadweyne [waxaad qarsataa ma qaaxaa].

Dhibaatada lama wadaago waxaana jira cid Aabe u ah dhibaatada halganka haysata iyo kuwa ku garabtaagan, dan ay ka leeyihiinba [garasho iyo garasho la,aan] taariikhduna waxay galin baal madow kuligood.

Waxaana horyaal dadweynaha Somalida Ogadeeniya arimo cul-culus oo looga fadhiyo in ay falbixiyaan iyaga oo aan ixtiraamaynin masuuliyiinta iyo xubhaha ururka ONLF, hal mar uun si ay dadweynuhu wanaag u dareemaan oo ay uga hortagaan isku dhac beeleed.

NB. Jwxo-shiil – Maxamed Cumar Cismaan, Jwxo-shiilo – Qabiil ku Jabhad, Jwxo-shiilada – Kuwa iska daba socda Jwxo-shiil,

saddexdan kooxood iyo kooxda 4aad ee Sudhayo oo aan is lee yahay waa kuwa qoday qabriga Jwxo, waxaan ku faah faahindoonaa Qoraal kale.

Arimaha Siyaasada
rasaas.com