Hogaanka Nabad Galiyada iyo Cadaalada iyo Masuuliyiin Maamulka Somaliland oo Balidhiig ku Kulmay.

 

Jijiga, November 10, 2011 [ras] – Hogaanka Nabadgaliyada iyo cadaalada ee dawlada Somalida Ethiopia mudane Cabdulahi Yuusuf Weerar iyo masuuliyiin ka socda gabalka Tog-dheer iyo gabalka waqooyi galbeed ee dalka Somaliya ayaa maalintii shalay ahayd waxay ku kulmeen Tuulada Balidhiig.

Wadahadalka masuuliyiinta ayaa yimid ka dib kolkii ay dhawaan tuulada Bali-dhiig maleeshiyada Somaliland ku dhaawaceen saddex Askari oo ka tirsan ciidanka Ethiopian, kuwaas oo daba joogay budhcad ka soo gudubtay dhinaca Somaliya oo todoba ruux [7] oo Ethiopian ah ku dilay meel u dhaw degmada Yoocaale.

Ethiopia waxaa wadahadalka uga qayb galay xoghayaha hogaanka cadaalada iyo nabadgaliyada Cabdulahi Yuusuf Weerar iyo gudoomiyaha degmada Gaashaamo. Dhinaca maamulka Somaliland waxaa uga qayb galay wasiirka gaashaandhiga, gudoomiyaha gabalka Togdheer, duqa magaalada burco, taliyaha ciidanka maamulka Somaliland iyo gudoomiyaha Tuulada Bali-dhiig.

Waxaa la isla soo qaaday in la adkeeyo amaanka xuduuda, la iskana kaashado iyo in la soo celiyo dambiilayaashii gaystay dilalka iyo in waliba la keen maleeshiyadii dhaawacday saddexda askari ee Ethiopia, kuwaas oo lagu weeraray isla tuulada Bali-dhiig.

Waxaa lagu balamay in la isugu yimaado wadahadal dheeraada ah magaalada Jijiga, masuuliyiinta maamulka Somaliland iyo dawlada degaanka Somalida Ethiopia inta ka horaysa sanadka cusub.

rasaasa.com