Hidaha iyo Dhaqanka: Mataan iyo Madadaalo Sheeko

 

April 4, 2012 [ras] – Hidaha iyo dhaqanka soo jireenka ah ee Somalida waxaa laga dhex helaa Sheekooyin dhab ah oo khadhaadh iyo macaan mid ah. Sheekooyinkaas oo laga dhaxlay dad magac weyn ku yeeshay raadka taariikhda
Somalida, kuwaas oo caan ku noqday arimo ay ka dhax sameeyeen bulshadii ay la noolaayeen.

Dhacdooyinkaas waxay noqon karaan kuwo wanaag u laha bulshada ama kuwa dhibaato u lahaa bulshada mid kasta oo ay ahayd taariikhdu waxay xustaa dadkii ku caan baxay dhacdooyinkaas sheeko.

Bulshadii Somaliyeed ee ay nolosheedu ku tiirsanayd dhaqanka baadiyaha kama tagin buuggaag la akhristo oo jiilba jiil u gudbiyo, amar Eebe waxay xusuustoodu kaydisay sheekooyin dhab oo cidiba cid u sii tabisay iyada oo saxa.

Mahadi ha ka gaadhee waxaa suugaantaas kala daadsanayd uruurinteeda iska xil saartay dawladii Somaliyeed ee uu madaxda ka ahaa Naxariistii jano Eebe ha siiyee Maxamed Siyaad Bare, oo dalka Somaliya xukumayey sanadihii 1969 -1991.

Waxay xukuumadaasi samaysay wakaalad la odhan jiray wakaalada Hidaha iyo Tacliinta sare  ee Somaliya, wakaaladaas oo laga shaqaaleeyey aqoonyahano Somaliyeed oo baadhitaan ku sameeyay, ururiyay, dabadeedna qoray raadka taaiikheed ee sugaantii Somaliyeed iyo dhacdooyinkii filiqsanaa.

Mahadi ha ka gaadhee dadkaas waxaa ka mid ah Axmed Faarax Cali [Idaajaa], oo aan is leeyey wuxuu mudan yahay amaan badan isaga iyo aqoonyahanada kale ee ka qayb qaatay ururinta iyo tabinta suugaanta Somalida.

Qoraalkan waxaan ugu gogol xaadhaynaa Sheeko taxane cod ah oo aan idiin soo gudbin doono bilalaha soo socda maalin walba oo Axad ah, oo ku saabsan Sheeko ku caan baxday Somalida oo ku saabsan nin la odhan jiray Xasan Axmed Xirsi xasan mataan] oo kolkii dambe kula magac baxay Mataan Ciideed.

Sheekada Mataan Ciideed oo uu uruuriyey soona saara Axmed Faarax Cali Idaajaa, ayaa kolkii ugu horaysay iyada oo cod ah laga siidaayey Radio Muqdisho sanakii 1982. Sheekada Mataan Ciideed oo dhab ah ayeyna dhagaha dadka Somalidu ka daalin dhagaysigeeda, waana sababata aan u dooranay in aanu u soo dayno Macaamiisha bogga rasaasa.com.

Sheekada Mataan ciideed qaybta ugu horaysa waxay bilaaban doontaa April 8, 2012 iyada oo aad dhagaysan doontaan maalinba oo Axad ah.

rasaasa.com