Heshiiskii Burburinta Ururka ONLF iyo Xog La,aantii Dadweynaha

 

Qaybtii 2aad ee “Heshiiskii Burburita ee Ururka ONLF iyo Xog La,aantii Dadweynaha”, waxay todobaadkii hore inoo joogtay Cadaani oo isagu isu xilsaaray in uu meel kaga soo hadho Dr. Dolal, madaama uu aad u yaqaanay beesha uu ka soo jeeday.
Waxaa jiray heshiis munaafaqnimo oo dhex maray saddex nin, raggani waxay lahaayeen dano kala duwan waxayse ka midaysnaayeen hal wax, waxaa jiray wax ayna kaba fikirin ama ayna danba ka lahayn.
Maxamed Ismaaciil oo isagana iskiis isugu xilsaaray in uu uruuriyo, dad da,a ah oo aan hore ururka ONLF gacan u siin jirin, dadkaas oo aan doonaynin in ay ka qaybqaataan halganka ay waday Jwxo, waxayna ururkaba u arkayeen in uu lee yahay reer, iyaga oo aragtidaas ku salaynayay ka dhex muuqashada Dr.Dolal ee ururka ONLF. Dadkaas Odayaasha ah, waxaa ugu horeeya ninka la yidhaahdo Duraan Axamed Xaashi, oo sida la fahamsan yahay ay isaga iyo Maxamed Ismaaciil ku midoobeen hal shay “shuftonimo”, oo salka ku haysa dhacdooyin baryo hore ka dhacay degaanada Qoraxeey.

Maxamed Ismaaciil waxaa uu ku guulaystay in Duraan Axmed Xaashi uu ka dhigo 5tii sano ee ugu dambaysay la taliyaha gaarka ah ee arimaha Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [Jwxo], isaga oo noqday ninka lagala tashado cida ku soo biiraysa Jwxo iyo waliba cida laga saarayo. Duraan arimahaas Jabhada ee uu ku jiray kaliya waxaa ogaa saddexda nin; Maxamed Ismaaciil, Cadaani iyo Jwxo-shiil, waxayna ka midaysnaayeen arimaha loo xil saaray in uu fuliyo Duraan iyada oo ayna ka warhaynin bulshada inteeda kale. Duraan waxaa uu hoosta ka abuuray dad kale oo badan oo aan ku jirin hawlo Jabhadeed, balse ku jiray burburin Jabhadeed, kuwaas oo kala jooga meelo kala duwan oo aduunka ah, Duraan waxaa uu aad uga qayb qaatay arimaha Jwxo, kuwaas oo aan ahayn dhinaca wanaaga balse ah dhinaca xumaanta, waxaa uu masuul ka ahaa dadkii ugu dambeeyey ee uu Jwxo-shiil ku soo darsaday ururka ONLF, kuwaas oo ahaa kala jabkii ururka. Ninkan aan sheegayno waxaa uu ahaa masuul ka tirsanaan jiray JXSG 1977, waxaana uu aad uga soo horjeedsaday jiritaanka ururka ONLF, 30 sano oo uu joogay dalka Ingriiska lama sheegin wanaag uu Jwxo u sameeyey.

Jwxo-shiil, waxaa uu isagu qaabilay, sidii uu isaga dhigi lahaa nin daacad u ah halganka ONLF, isaga oo badalay hadaladii uu ku hadli jiray, waxaana uu xabad xabad u xaday eraydii uu isticmaali jiray Dr. Dolal, waxaan xusuustaa 1997 kolkii uu Dr.Dolal ku shukaaminayey Jwxo-shiil in uu halganka soo galo ayaa waxaa uu Jwxo-shiil odhan jiray “Adeerayaalow inaga daaya Ogaden oo qayaxan, waayo Ogaden waa qabiil”, Markii la soo gaadhay 2005 ninkii aynu naqaanayba ma aha, waxaan ka yaabay wax badalay waayo ma ahayn caruur la badali karo ee waxaa uu ahaa nin duq ah oo ka dharagsan waxa uu aaminsanaa. Jwxo-shiil, waxaa uu la yimid beel is maqasha oo qaaraan bixin diyaar u ah meel ay joogaanba, waxaa kale oo uu helay raga marka ay is uruursadaan wax tar ah, oo waliba ayidsan maamulkiisa dan ay ka lee yihiinba.

Fikirkii, Cadaani wuu shaqeeyey kolkii badhatamihii sanadkii 2004, kulankii Eritrea la isku shaandheeyey ururka ONLF oo uu Dolal aad uga calool weydsanaa lagase batay, xiligaas waxaa xilalkii golaha dhex laga qaydiyey dad badan oo reer Qoraxeey ah, waxaana lagu soo daray dad badan oo ay Dr. Dolal isku jinfo yihiin oo aan u qalmin in Gole dhexe lagu daro, arintaasi waxay ahayd arin la doonayey in lagu bah dilo Dr.Dolal oo loo tusayey beelihiisa kale in uu xil ka lexo jeclaystay, arintuse waxay ahayd arin ku talo gal ah oo lagu nacsiinayey Dr. Dolal dadkiisa, runtiina waxaa ay u dhacday sidii dabinka loo dhigay, runtuse waxay ahayd wadooyinkii ugu dambayey ee Dr.Dolal iyo halganka lagu duminayey.

Dad badan oo beesha Dr. Dolal ah, oo aad looga garasho badan yahay ayaa dhacdadii waagaas [2004] ee xilalka lagaga qaaday u qaatay in uu Dr. Dolal sameeyey, waxayse ahayd shax ay jeexeen saddexda nin oo kolkaas isku danaysanayey helitaanka wadadii ay Dr. Dolal beeshiisa u qaybin lahaayeen.

Arintaas waxaa xigtay fulintaanka qorshihii loo xil saaray Jwxo-shiil, oo ahaa in uu isagu isu muujiyo in uu yahay halgamaa, ayna cidi kaga horeynin halganka ururka ONLF, wuxuu u sheegay wiilasha uu adeerka u yahay ee u qaabilsanaa dhinaca saxaafada in ay ka saaraan, sawiradii iyo codadkii Dr. Dolal oo ahaa ninka ugu waraysiga badnaa ururka ONLF, waxaana laga nadiifiyey boggaga internetka ee ay xiligaas isticmaali jirtay Jabhadu, wax alaale wixii uu ku lahaa Dr. Dolal, waxaana soo hadhay oo kaliya waraysiyadii iyo sawiradii Jwxo-shiil, xiligii u dhaxaysay 2004/05. ………. la soco qayb 3aad

Arimaha Siyaasada
rasaas.com

rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo