Heshiiska ay Itobiya ka Rabto Ururada Mucaaradka Waxaa Kow ka ah, Xuquuqda Dadweynaha

 

Gabalada qaar waaxay ka kooban yihiin 4 degmo, qaarna waxay ka kooban yihiin 8 degmo, iyada oo ayna ku xidhnayn arintaasi tirada dadka iyo baladhka dhulka. Waxaa ceeb aan la qarin karin ah in degmo ka mid ah gabal oo aan waliba ahayn magaalo madaxda gabalka ay iskaga tiro badnaato saddexda degmo ee kale oo ay ku jirto magaalo madaxda gabalku.

Arimahaas cadaalada ka fog oo dhab ah oo aan ahayn wax qarsoodi ah ama khalad ku dhacay, ayaa kow ka ah colaadaha ka jira dhulka Somalida Ogadeeniya, marka laga yimaado xoriyada ay ururadu sheegaan in ay u dagaalamayaan. [See  at end of the page an unfair distributed ratio for the Somali regional State constituencies]

Dadweynaha Somalida Ogadeeniya ayaa aad ugu riyaaqay wadahadalkii Nabada ee dhexmaray xukuumada Itobiya iyo Jabhada Somali Galbeed. Waxaadna moodaa in dadweynuhu aad ugu dheg taagayaan in wanaag ka soo baxa heshiiskaas, oo iyaga u danaynaya, in ay cadaalad ku helaan xuquuqdooda.

Dhanka kale xukuumada Itobiya ayaan iyadu dagaal kula jirin oo kaliya Jabhadaha ku kacsan, balse dagaal kula jirta dadweynah u dhashay dhulka Somalida Ogadeeniya. 1992, kolkii ugu dambaysay nabada iyo raja ka dhalata dhulka Somalida Ogadeeniya, doorashooyinkii ka dhacay sanadkii 1993 dalka waxaa ku guulaystay ururka ONLF, oo helay 85%.

Intii xiligaas ka dambaysay Itobiya waxay u xilsaartay rag Somali ah, sidii ay meesha uga saari lahaayeen reerka ay ka soo jeedaan xubnaha ugu badan ee ururka ONLF, kaas oo ah beesha ugu muhiimsan.

Waxaana loo xilsaaray Cabdi-majiid Xuseen oo ahaan nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Gudabiirsi, laakiin ka tirsanaa Beesha Isaaq oo ay waligoodba xiniin dirir leeyihiin beesha Ogadeen. Arimihii ugu muhiimsanaa ee uu Cabdi-majiid sameeyey waxay ahaayeen in uu degmooyinka iyo dhulka Somalida Ogadeeniya uu kala siiyo beelo sida isaga oo qoray [dir, hawiye iyo daarood]. Waxaana degma walba oo uu hal ruux ka joogo beesha dir iyo Hawiye uu ugu yeedhay in degmadaas ay leeyihiin beelahaasi.

Sida ka muuqata qaybinta kuraasta baarlamaanka, waxaa isku kuraas ah beel 10 qoys ah iyo beel 20,000 qoys ah, arinkaasi in uu cadaalad yahay iyo in uusan cadaalad ahayn waxaa ka jawaabi kara baan isleeyahay baarlamaanka degaanka iyo kan federalka. [Jamhuuriyada Somaliya sida ay Itobiya wax ugu qaybisay miyey garan wayday in ay Kilalka 5aad wax ugu qaybiso]?

Itobiya arimahaas waxba kalama socoto waxayna galisay dastuurka Kilal 5aad sifaha wax loogu qaybsanayo degmooyinka dalka, waxayse Itobiya ogtahay in beesha Ogadeen ay dagaal kula jirto. Arimahaas waxay keeneen in cadaalad daro badan oo dhinac walba leh lagula kaco dadka ka soo jeeda beesha Ogadeen.

Beelaha Somaliyeed ee degan dhulka Somalida Ogadeeniya, waxay in badan qaadanayeen sad ayna xaq u lahayn. Waxayna ku fiirsanayeen dhibaatada haysata walaalahood iyaga oo aan malina odhan arintani xaq ma aha in lagu sameeyo muwaadiniin aan waxba gaysan.
Xiligan waxaa muuqata in beelaha Somalida ah ee degan dhulka Somalida Ogadeeniya in ayna raali ka ahayn heshiisyada nabada iyaga oo leh; war halganka yaan la joojin gumaysigu nabad wax kuma lahee iwm.

Hadaba, maanta waxaa socda heshiisyo dan u ah Itobiya iyo ummada Somalida Ogadeeniyaba sida aan anigu is leeyahay, waxaase muuqata in ayna xukuumada Itobiya garanin bogsiinta boogta colaada. Waxayna soo saartay Liiska doorashada degmooyinka oo aad uga fog xaqa dhabta ah ee jira.  Arintan hadii ayna xukuumadu dib u fiirin oo ayna si deg deg ah wax uga qabanin waxaa laga yaabaa in kacdoon hor leh oo ka xoog badan ka hada laga heshiinayo ee socday 19 sano in uu bilowdo.

Cadhadan ayaa waxay ka iman kartaa dadweynaha oo ka cadhaysan nidaamka cadaalad darida ah oo inta badan ka imanaya tirada dadka iyo degmooyinka oo aan si cadaalad ah wax loogu qaybin, baarlamaanka degaankuna waxay u badan yihiin uun dad aan arimahaas kore xisba u lahayn naftooda mooyee iyo waliba aqoon la,aan.

Maamulka degaanka Somalida Ogadeeniya waxaa ku waajib ah in uu cabashada dadweynaha gaadhsiiyo xukuumada dhexe, inta ayna imanin cadho keenta xoojinta ururada mucaaradka ah, oo xitaa taaban karta dadweynaha degaanka.

Xuseen Ibrahin

rasaas.com

Milicsada Liiska Baarlamaanka Degmooyinka iyo Cadaalad darida ka muuqata.

Musharixiinta Degmada Dhagax Buur (1 Federaal, 4 Heer Degaan)Dhagaxbuur CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Awaare (1 Federaal, 4 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Dhagax Madoow (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Gaashaamo (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Gunagado (3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Baareey (1 Federaal, 4 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Ceel Kare (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Doolo Baay (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Gooro Baqaqsa (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Gura Dhaamoole (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Hargeele (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Iimeey Galbeed (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Jarati (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Cadaadle (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Dhanaan (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Feerfeer (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Godey (1 Federaal, 4 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Iimeey Bari (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Mustaxiil (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Qalaafo (1 Federaal, 4 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Aw Bare (1 Federaal, 6 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Baabili (1 Federaal, 4 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Gursum (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Jigjiga (8 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Jigjiga 2 (1 Federaal)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Jigjiga 1 (1 Federaal)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Qabri Bayax (1 Federaal, 6 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Xarshin (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Doolo Cado (1 Federaal, 4 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Filtu (1 Federaal, 4 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Hudhet (1 Federaal, 4 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Mooyaale (1 Federaal, 6 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Dhooboweyn (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Qabri Dahar (1 Federaal, 4 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Sheygoosh (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Shilaabo (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Afdem (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Ayshica (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Dambal (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Erer (1 Federaal, 4 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Ma’ayso (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Shiniile (1 Federaal, 5 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Bookh (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Danood (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Galaadi (1 Federaal, 4 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Wardheer (1 Federaal, 4 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Dhuxun (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Fiiq (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Laga Hida (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Maya Muluqa (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Sagag (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews

Musharixiinta Degmada Salaxaad (1 Federaal, 3 Heer Degaan)

CakaaraNews