Hayyadda Horumarinta Haweenka Degaanka Somalida Itoobiya oo Deeq u Qaybisay Qaxooti Cusub oo Somaliyeed.

 

aaaaCannab.1Jijiga, June 27, 2014 – Hayyada horumarinta haweenka degaanka Somalida, ee magaceeda loo gaabsho SEWD, ayaa deeq Dhareed iyo Agab u qaybisay qaxooti cusub oo dhawaan la keenay Minnesota.

Qaxootigan Somalida ah, waxay degaan ahaan ka soo kala jeeda Ogadeeniya iyo dalka Somaliya, kuwaas oo sanooyin badan ku sugnaa xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab, Kenya iyo Qabribayax Degaanka Somalida Ogadeeniya. Kuwaas oo ay dhawaan Hayada qaxootiga [International organisation for Migration (IOM)], dib u dajin ugu samaysay degaanka Meneasoto.

aaaaCannab3.3Goobta lagu qaybinayey dharkan cawiimada ah, waxaa ka hadashay ku xigeenka Hayyada [Somali Ethiopian Women Diaspora (SEWD)]  marwo Canab Cali. Marow Canab waxay ugu baaqday haweenka ganacsatada Somaliyeed oo gacan ka gaystay kaalmadan in ayna joojin caawinta inta dadkani kala qabsanayaan degaankan cusub.

Hayyada SEWD, oo ka hawlgasha dalal dhawra, ayaa horay deeqo kala duwan u gaadhsiisay Degaanka Somalida, dalka Somaliya, xerada qaxootiga Jaxiima Yeman iyo xeryaha qaxootiga ee ku yaal dalka Kenya.

Hayyada SEWD, oo wadata magaca degaanka Somalida, waxay deeqaha ugu badan gayn jirtay degaanka Somalida. Hayyadu waxay hakisay cawiimadii ay gayn jirtay degaanka horaantii sanadkan, ka dib kolkii uu khilaaf soo dhex galay Hayyada SEWD iyo masuuliyiinta degaanka Somalida Itobiya.

Khilaafku wuxuu ka dhashay, kolkii ay Hayyada SEWD u dirtay shixnado cawiimo ah magaalada Kismayo ee dalka Somaliya. Xiligaas oo madaxwaynaha degaanka Somalidu ugu goodiyey in uu kala noqonayo ruqsada Itobiya.

Xiligaas wixii ka dambeeyey Hayyada SEWD, wax cawiimo ah uma dirin degaanka Somalida Itobiya, iyada oo muujinaysa sida ay uga qanacsan tahay hab dhaqanka masuuliyiinta Ismaamulka.

Masuuliyiinta degaanka Somalida Atobiya, ayaa ula dhaqma dadka Ajaanibta ah ee asalkoodu yahay degaanka Somalida, si la mida cabudhiska ay kula dhaqmaan shacabka degaanka, taas oo ayna u dulqaadan karin Ajaanibta asalkoodu yahay Somalida Ogadeeniya.