Hayada Lacagta Aduunka oo Sheegtay in Ethiopia Dhakhso ay Noqon Doonto Wadamada Dhaqaalahoodu Dhexdhexaadka Yahay

 

Addis Ababa, Mar 4, 2012 [ras] – Hayada Lacagta Aduunka ee loo yaqaa [international monetary fund (IMF)], ayaa sheegtay in dhakhso ay Ethiopia gali doonto liiska wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay, hadii uu sii socdo koradhka dhaqaalaha xoogan ee deg dega ah.

R/wasaare Meles ayaa Addis Abab maalintii Sabtiga ahayd kula xaajooday ku xigeenka gudoomiyaha maamulka hayadda lacagta aduunka Naoyuki Shinohara.

Shinohara wuxuu ku amaanay Ethiopia hawlgalka dhaqaale ee loogu magaca daray qorshaha kobaca isbadalka, wuxuuna cadeeyey in ay IMF ka go,an tahay la shaqaynta Ethiopia.

“IMF, waxay kala shaqayn doontaa Ethiopia xoojinta awooda dhismaha dhinaca hanaanka canshuur uruurinta iyo maamulka miisaaniyada” ayuu yidhi Shinohara.

Meles ayaa dhiniciisa uga warbixiyey Shinohara shaqada ay dawladu wada sidii ay u yarayn lahayd sicir bararka. Qiimaha siric barar wuu yaraanayaa qiyaaso ay qaaday dawladu waan la soo xoogin yarayntiisa ayuu yidh Meles

Gudi uu hogaaminayo Shinohara ayaa la xaajooday wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha Sufian Ahmed iyo gudoomiyaha baanka dhexe ee Ethiopia, Gebrewold Atnafu.

 

rasaasa.com