Hawlgalo dad Lagu soo qab Qabtay oo Ciidamada Ammnaaka Degmada Dhoobleey ay ka Fuliyeen Gudaha Degmada

 

Howlaga ay sameeyeen ciidamada ammaanka deegaanka Dhoobleey ayaa waxaa ay ku soo qabqabteen tiro burcad ah oo dhawaantani dhibaato ku hayay dadka deegaankaasi isla markaana khalkhal galinayey amaanka degmada.

Saraakiisha ciidamada booliiska deegaanka Dhoobleey ayaa waxay shabakada rasaas.com u sheegeen in dadkaasi dhawaan la soo taagi doono maxkamad si sharicigu uu waxa uga qabto loona mariyo sharciga Islaamka, ciidamada amaanku waxay ku daba jiraan kooxo kale oo la socday dadkan la qabqabtay.

Hawlagalkani ciidamada ay kooxahaasi ku soo qabteen ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay dadka deegaanka oo ku tilmaamay tilaabo loo qaaday dhanka ammaanka.

Waa hawlgalkii ugu horeeyay ee ciidamada ammaanka ee magaalada Dhoobleey ay sameeyaan isla markaana ay ku soo qabqabtaan dad iyagu ku hawlan arimo nabad galiyada wax u himay guud ahaan gabalka Juba hoose, gaar ahaana degmada Dhoobley.

Arimaha Bulshada
rasaas.com