Hawga PP iyo Hilaaca Jwxo, Iskuma Heshid Mid uun Ku Haggaag

 

Jijiga, April 12, 2020 – W/Qoray Cabdi Sayid Shaqlan – Sida murtida sare ka Muuqata Waxay Soomaalidu tidhaahdaa Hawga Karantiyo Hilaacyada Bari Isma Heshid ee Mid uun ku Hagaag. Taas oo loola jeedo in aad Geed Qabsato oodan Bari iyo Galbeed isla mar joogin eed dhan uun joogto.

Hadii aan Taariikhda Jwxo, dib u Milicsano waxaa jiray koox dhan walba u ridi jirtay oo marka dhibaato ka dhex dhacdo Jabhada Masuuliyiinteed iyo Xubnaha Dhanka Xumaanta wax walba oola ordi jiray oo Xuquuqdii Xubinka ama Masuulka halkaas ku duudsiyi Jiray Halkaana oogu dhamayn jirtay ilaa uu Xubinku Halgankii ka hadho ama La Safto Gumeysiga Itoobiya si uu kooxdaas isaga Celiyo.

Waxaa Markii ugu horaysay June 2002 Jwxo, Laga saaray 9kii Xubnood ee Jabhada indhaha u ahaa uuna ugu horeeyey Halgame Ahmednuur Muhumed Sanwado, Abdirisaaq Gaataa Gud.Jwxo, ee haatana Abdirahmaan Sh. Mahdi ka mid ahaa iyo kuwo kale.

Waxaa Xigay Agust 2003 tii Masuuliyiin aan aniga oo ah Abdi-Sayid Moalin Yuusuf iyo Halgame Abdiwali Hussein Gaas, iyo Masuuliyiin kale, oo ay Hormuud u ahaayeen ayaan Hogaankii Jabhada isku qabanay Awooda ururka oo lagu tagri falayey waxaana Codsanay in Shirweynii Jabhada la qabto lagana Xisaabtamo khaladaadkii jiray iyada oo Xiligii Shirweynaha la dhaafay. Xubnihii ay Shaqadooda ahayd kala fogaynta iyo Dacaayada Jwxo dhexdeeda ah
Sacab ayey ku soo dhaweeyeen Khilaafkaas Qaarna ayagaaba lug ku lahaa sidaas darteed bay ku galeen Golaha Dhexe iyo Gudida Fulinta. Markaas ayaanu Agust 2004 ku dhawaaqnay Garabkii Badbaadada oo ujeedadiisu ahayd in sharci lagu soo dabaalo Hogaankii Jwxo.

Hadana Sanadkii Sep, 2006 waxaa Xigtay 11 Xubnood oo Gole Dhexe iyo Gudi Fulin ka koobon ooyna ka mid ahaayeen Allaha u Naxariistee Mujaahid Dr. Mohamed Siraad Doolaal Dr.Do, Salahadiin Maow, Suldaan Aadan Yuusuf Taani, Mohamed Shariif iyo Kuwo kale oo sida uu sheegay Maamulkii hore laga saaray Golaha Dhexe iyo Gudida Fulinta
Kooxdii Jawaasiista ahayd ee Ururka Dhexdiisa Ka Kaluumeysan jirtay sidoodii ayey Sacab ku soo dhaweeyeen.

Waxaa Kooxdii Sacabka Qaarkood lagu Badalay Masuuliyiintaas aan kor ku soo sheegnay iyaga oo lagu Abaal mariyey Xumeyntii iyo Caydii Halgamayaasha.

Sanadkii Ockober 2008 Waxaanu isu Gaynay Garabkii Badbaada Jwxo, iyo Golihii Sare ee Jwxo, Waxaana Gud. Ka dhiganay Allaha u Naxariistee Mujaahid Dr. Mohamed Siraad Doolaal Dr.Do.

Geeridii Dr. Doolaal kadib waxaa Xilkiisii la wareegay Gud.Xigeenkiisii oo ahaa Hagame Saalahdiin Maow. Nasiib daro Heshiis aanaan ku qanacsanayn oo uu galay Itoobiya Saalahdiin ayaanu midnimahadii Golaha Sare dib uga noqonay hadaanu nahay Garabka Badbaadada Jwxo. Heshiiskaasna ka mid maanaan ahayn.

Khilaafyada Jwxo, Mar walba oo ay dhacaan Kooxdan waxay Gaashaanka ku dhufan Jireen in waan waan iyo Heshiis la gaadho iyagoo dhanka Xumaanta iyo Kala fogaanta Jabhada arinta la aadi jiray.

Kooxdii Noocaas ahayd markii ay Gudidii Fulinta iyo Golihii Dhexe u Bateen 60% Waxay Jabhadii ku Gureen Diyaarad ah Ethiopians Air Lines taas oo uu lahaa Cadawgii lala Dagaalamayey.

Kooxdii Xumaanta iyo Baabinta Jwxo, isbahaysiga ku ahayd waxay markii Gudaha lagalay la soo baxeen Mabdàoodii Saxda ahaa iyo Shaqadoodii dhabta ahayd oo ah in ay Danaha Gumeysiga Itoobiya ka dhex fuliyaan Jabhada.

Shirkii Jwxo, Nov, 2019 ee Godey Waxaa si Buuxda Xubnaha Jwxo, ay Aqlabiyad badan ku doorteen Dr. Abdirahmaan Sh. Mahdi, isagoo nasiib u yeeshay in sidii Allaha u Naxariistee Fadiilatu Sh. Ibraahin Abdalla Maah, ay Shacabku si xor ah oon Cabsi ku jirin ugu doortaan Magaalo weyn Gudaheeda.

Markii Shirkii Godey soo dhamaaday Kooxdii ka Baayac Mushtari Jirtay Dhiiga Jwxo, waxay si dhab ah u bilaabeen shaqadoodii iyagoon gabanaynin waxay isku dayeen in aan Jabhada Maamulkeedii in la dhiso hor istaageen, Talaabo kasta oo la qaadona hor istaagay, iyaga oo ka amar qaadanaya Maamulka Dawlad Deegaanka Soomalida.

Hadaba Waxaan Jabhada Jwxo, Masuuliyiinta iyo Golaha Dhexe ee Nadiifa ah kula talin sidan.

1) In ay Talaabo deg deg ah ka qaadaan Kooxdan Jabhadana ka saaraan.

2) In ay Jwxo, haatan isa sifayso oo ay cid kasta oon Barnaamijkeeda iyo hadafka u hogaansami karin iska saarto.

3) In ayna sida haatan wax u socdaan ku sii socon karin hadii aan talaabo deg deg ah la qaadin Kooxdan.

4) In ay Masuuliyiinta Jwxo, Golaha Dhexe iyo Xubmaha u kala saaraan kuwo Mabdà Jwxo, Aaminsan oo ku dhaqmaya iyo Kuwo Diidan oo Banaanka laga dhigo.

5) In uuna Masuul Jwxo, ahi dhex dhexaad ka ahaan karin Khilaafka Jwxo iyo Kililka. Maamulkaas oo Dajinaya Calankii Jwxo, Xubnihiina Xidh Xidhaya, TV yadana la taagan Dacayada Jwxo, iyo Magac Dilka Ururka.

6) In ay Jwxo, Ogaato meesha ay joogto iyo Xaaladaha ku Xeeran kadibna si dhaba u qiimayso.

7) Kooxdan waa in loo Fahmo in ay yihiin Danaystayaal Cid walba leh oo aan Matalin Gobal iyo Qoys Gooniya ee ay yihiin Danaystayaal sidaas Masuuliyiin ku noqday.

8) In Siyaasada Itoobiya ee qaybi oo Xukunta ah ay Jabhadu ka digtoonaato.

Xubnahaas in Magacyadooda halkan la soo dhiga micno weyn ma samaynayso ee (adigu Fartu Taabataye Garo)

Halganka Shacabka Ogaadeenya oogu jiro Xoriyad Doonka Wuu Guulaysan, Gumeysiga Itoobiyana Wuu Jabi. MIGAAA.