Hargeysa: Biixi oo Booqday Atoobiya

 

EthiopiaHargeysa, Apr 23, 2014 – Wasiirka Arimaha dibada ee maamulka Somaliland Biixi Maxamed Yoonis, ayaa booqashadii labaad ku jooga Addis Ababa, muddo labo todobaad gudahood ah.

Booqashada Biixi ayaa timid, ka dib kolkii uu dhawaan hanjabaad hawada u mariyey Atoobiya, isaga oo sheegay in ayna u dulqaadanayn faragalinta ay Atoobiya ku hayso maamulka Somaliland.

Biixi waxaa garoonka diyaaradaha ee Bole, ka soo qaaday wasiirka arimaha dibada Atoobiya Tedros Adhanom, oo ugu yeedhay in uu ka jawaabo warkii uu saxaafada mariyey.

Todobaadkii hore waxaa Addis Ababa ka tagay madaxwayne ku xigeenka maamulka Somaliland iyo Biixi laftiisa.  Waxayna ka raali galiyeen Atoobiya dhac iyo jidh dil uu maamulka Somaliland u gaystay labo nin oo ka tirsan sirdoonka Atobiya.

Maamulka Somaliland ayaa iskuhalayn badan ka haystay Atoobiya. Wuxuuna maamulku Xumaan badan ugu gaystay ummada Somalida iskuhalaynta Atoobiya.

Aqoonsiga maamulka Khaatumo ee dawlada federalka ee Somaliya iyo ogolaanshaha Atobiya, wuxuu walwal galiyey maamulka Somaliland oo 23 sano fikir la,aan socday.