Hambalyo: Madaxweynaha Cusub Cabdi Maxamed Cumar

 

Dhamaan masuuliyiinta iyo hawlwadeenada bogga wararka ee rasaas.com, waxay dhamaal hambalyo ah u dirayaan Madaxweynaha Cusub ee loo doortay Ismaamulka Somalida Ogadeeniya Mudane Cabdi Maxamed Cumar.

Waxaanu madaxweynow kuugu bogaadinaynaa xilka madaxweynenimo ee laguu doortay iyada oo lagu jiro xili kala guur ah.

Waxaanu Eebe weyne kaaga baryeynaa in uu kugu guuleeyo xilka wayn ee laguu doortay iyo masuuliyada culus ee kaa saaran in aad isbadal wanaagsan u keento degaanka Ismaamulka Somalida Ogadeeniya.

Dadweynaha Somalida Ogadeeniyana waxaanu Eebe weyne uga baryeynaa in uu dantooda garansiiyo sharaf, cisi,nabad iyo horumarka ay jecel yihiina siiyo si ay wax ula qaybsadaan ummadaha ku nool geeska Afrika.

rasaas.com