Halis! Dagaal Ooge Dool ah, Duddadeena ha Keenin

 

Jijiga, January 09, 2012 [ras] – Ethiopia oo heshiis nabadeed kula wadaagta degaanka Somalida Ethiopia [Ogaden] Jwxo-shiil, waxay ka dhigan tahay Sheekh Shariif oo heshiis nabadeed ay kula wadaagto degaanka Somalida Ethiopia. “Dhalashadaydu waa ta Jamhuuriyada Somaliya” Janan Jwxo-shiil, baa yidhi sidaas.

Jwxo-shiil, waa Janan ka soo jeeda Jamhuuriyada Somaliya, kana mid ahaan jiray mudo dheer masuuliyiintii ugu saraysay dawladii Somaliya, in kasta oo degaan ahaan uu ka soo jeedo gabalka Ogaden ee Somalida Ethiopia.

Aaden Cabdulahi Nuur (gabyow), 2xidigle ayuu kaga baxsaday ciidamada Kenya, wuxuuna noqday wasiirka gaashaandhiga ee Somaliya. Jabkii Somaliya wuxuu galay Kenya isaga oo sita dhalashada Somaliya. Gabyow ‘Janadii ha galee’ waxaa la saaray maxkamad inta aan loo ogolaan gudaha dalka Kenya, waana la cafiyey.

Jwxo-shiil,waxaa la sheegay in uu ku dhashay Hargeysa 1940, 6 markuu jirayna la keenay ceelka Gunagado, 16 jirnkiisii sanadkii 1956 wuxuu ku laabtay Hargeysa iyo Somaliya. 42 sano ka dib sanadkii 1998, ayuu Jwxo-shiil, markii ugu horaysay tagay gabalka Ogaden, isaga oo raadinaya fursad. Jwxo-shiil, waligii ma qaadan mana sheegan dhalasho Ethiopia.

Jwxo-shiil, sanadkii 1998 ayuu si khalad ah ku dhex galay dhalinyaradii wadaniyiinta ahayd ee waday Jabhadii ONLF, oo xiligaas dagaal ka waday gabalka Ogaden Ethiopia.

Jwxo-shiil, wuxuu maleegay in uu madax ka noqdo Jabhada ONLF, magaca Jabhada wadaniga xoraynta Ogadeeniya [Jwxo], wuxuu ku galay dambi iyo dacati badan oo ayna jabhadu ku talo galin in ay gaysato. Dunuubta u ku galay magaca ONLF,  wuxuu saameeyey ruux kasta oo ku nool gabalka Ogaden shacab iyo jabhadba. In uu dunuubtaas galo waxaa fududaysay xukuumada Eritrea, oo af duubtay hadafkii ONLF.

Dhibaato uu gaysto Jwxo-shiil, waxaa ugu horaysay dilal qarsoon oos u gaysan jiray xubnaha firficoon ee Jabhada, arintaas oo keentay in la isweydiiyo, horseedayna khilaaf kala kaxeeyey xubnihii ururka ONLF, ugu dambayna lumiyey hadafkii ururka.

Xubnihii ka hadhay ONLF iyo dadweynaha Somalida Ogadeeniya waxay heshiis la wadaageen dawlada Ethiopia bishii June 2010, iyaga oo garawsaday in waxyeelada Eritrea ayna wax ka darani jirin.

Heshiis nabadeed ayaa qalinka lagu duugay bishii October 2010, heshiiska ka dib degaanka Somalida Ethiopia, waxaa u soo hoyatay guul lagu faano iyo isbadal nololeed oo dhinac walba ah. Degaanka Somalida Ethiopia shaqo iyo horumar mooyee shuruud kale xiligan uma baahna.

Labo sano ka dib, ma sariigte Jwxo-shiil iyo sirqada dabo socota, waxay dawlada Ethiopia ka codsadeen nabad, kolkii ay ku guul daraysteen dhibaatayntii shacabka. Ethiopia waxay sheegtay in albaabka nabadu furan yahay, qalinse wali ma dhicin.

Hadaba, su,aasha isweydiinta leh, waa Jwxo-shiil iyo kuwa daba socda miyey u danaynayaan dadweynaha mise iyaga aya danaysanaya. Jawaabtu waa iyagaa danaysanaya.

Dambiga waa in meel la saaraa, sharciga wanaagsan ee ilaaliya dadka iyo dalka, wuxuu qabaa “in hadii dambi dhaco, uu xukun dhaco,” sharciga aan raacin qaciidadaas sharci jira ma aha. Dambiga waa in meel la saaro ay jirto cafis iyo ciqaab midkood.

Jwxo-shiil, waa janan Somaliyeed oo dambi ka galay dalka Ethiopia, shakina kama joogo taas, waxaa qoran diiwaanka dadka uu dilay oo aan ahayn dad dirays dawlo qaba. Gudaha degaanka Somalida waxaa xeryo ku jira kumanaa agoon ah oo uu waalidkood dilay, dibadaha waxaa joogaa boqolaal qoys oo uu dilay waalidkood iyo eheladood.

Waa wax sharciga iyo aqliga suuban ka hor imanaya in Janan ka yimid dalka Somaliya ee la dariska ah Ethiopia, oo uu soo hubeeyey cadowga Ethiopia, gumaadayna shacab ay dawladu ula dhaqanto xaq u dirir Ethiopian ah, kana saamaxdo dunuubtuu galay.

Taas macanaheedu waxay ka dhigan tahay in xaqlaha dhabta ah ee dhulka Somalida Ogadeeniya uu yahay dalka Somaliya, xaashi kasta oo la saxiixo Janan Jamhuuriyada Somaliya ka socdana ayna wax wanaag ah keeni karin, inta uu maqan yahay saxiixa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliya.

Masuuliyiinta dawlada Ethiopia, waxay cafis u fidiyaan dad Ethiopian ah oo hore loo xidhay. Dadka ay masuuliyiinta dawladu cafiska u fidiyaan waa shakhsiyaad galay siyaasad af iyo ka hor imaad xukuumada, laakiin kuma jiraan dad gaystay gumaad, oo ka soo duulay dibada.

Sida qoran gabalka Ogaden waxaa ka dhacay gumaad sanadkii 2006-2009, waxaana gaystay baa la yidhaahdaa Jwxo-shiil. Gumaadkaas oo lagu sharxay qoraal boqolaal bogg ah, wali ma jirto cid loo qabtay kooxda Jwxo-shiil iyo cid kale toona.

Hadaba, hadii ay Ethiopia la heshiiso kooxda Jwxo-shiil, oo isu diyaarinaysa xili dhaw heshiiskaas sida la sheegay, maxay yeeli dawlada Ethiopia,  ma Hague bay gayn xubnaha dambiileyaasha ah, ma iyadaa maxkamadayn, mise waxba ka soo qaadi mayso dunuubta gumaadka ah ee ay kooxdu gaysatay?

“Eebe Weyne wuu cafiyaa ruuxii u gafa isaga, laakiin kama cafiyo ruuxii ruux u gafa,” waxaan hubaal ah in sharciga dad sameega ah uu sidaas oo kale qabo.

Hadii ay dawladu cafido xubnaha afarta ah iyo saddexda ee kooxda hogaamisa, maxay yeeli dadweynaha ay gashigooda ka qabaan?

Dadweynaha degaanka Somalida Ethiopia, ma aha dad ku dhaqma sharciga madaniga ah, waayo sharciga ka jira ayaa yar, sababo jira dartooda. Hadii ay dawladoodu u hiilin waydana mooji waxa ay yeeli.

Waxaa dhab ah in dadka tirada badan ee gashiga laga qabo oo isugu jira kuwa dhintay, kuwa lixaad la,a iyo kuwo la jidh dilay in ayna marna cafiyeynin dadkii waxyeelada u gaystay oo guri la degan. Hadii ayna imanin xeer Somali iyo xoolo la isku cafiyo.

Waxaa xasaasi ka ah degaanka Somalida Ethiopia ku dhaqanka qabiilka. Waxaanan shaki weyn ka qabaa in ay kooxdan dambiileyaasha ah ay hurin karaan colaad beeleed oo lugaha la gali karta nacayb dawlada loo qaado, ka hortageeduna muhiim yahay.

rasaasa.com