Halgankii aan Kobcinaynay Kuma ayaa Hog ku Aasay?

 

Gabalada Afder iyo Qoraxay oo Sheegay in ay nabad ka dhigeen goboladooda oo ayna hada wixii ka dambeeya ka jirin wax dhaqdhaqaaq colaadeed ah, sidaasina waxaa sheegtay masuuliyiinta labadan gabal. Gabalka Afder ayaa isagu ku andacoonaya in gabalka Afder ayna waligiisba ka jirin dagaalo ah nooca ay dooniba ha noqdaane, balse dhamaadkii bishii la soo dhaafay uu Ina Iley damcay in uu khaakhuul galiyo gabalka Afder waa sida ay sheegteen dad masuuliyiin ah oo ka soo jeeda gabalka Afder. Waxaa kale oo ay sheegeen in ay dagaal ku qaadeen kuwii isku dayey in ay khaakhuul galiyaan gabalka Afder.

Hadaladan, hadalo la mid ah ayaa waxaa ay ka soo yeedheen masuuliyiinta gabalka Qoraxeey, oo isaguna sheegtay in uu gabalkoodu nabad galiyo yahay ayna ka saareen dadkii nabada ka soo horjeeday waa sida ay sheegeene. Gabalka Qoraxeey oo ka mid ahaa gabalada ay ugu xoog badnaayeen dagaalada ay wadaan Jabhadaha xornimo doonka ah sida JWXO iyo JXSG, ayaa la isweydiin karaa xiligan wax keenay in masuuliyiinta gabalku ay ku doodaan in ay ka sifeeyeen dhaqdhaqaaqyada Xornimo doonka ah gabalka Qoraxeey.

Waxaa dhab ah oo aan la iska indha tiri karin, in dhibaato xoog leh ay soo foodsaartay halganka ay waday Jwxo, dhibaatada soo wajahaday ayaan ahayn mid ay la timid Itobiya iyo shacabka Somalida Ogadeeniya midna, balse dhibaatada timid uu aabe u yahay Ina Cumar Cismaan. Shacabka Somalida Ogadeeniya oo iyagu ahaa maal galiyeyaalka halganka ayaa waxay arkeen qalooc badan oo ayna waxba ka qaban karin, waxaana xabadii Cadowga Itobiya loo watay wajiga lagagga dhuftay Naftood hurayaal qaali ah, kolkaas ayey shacabku dhaheen [ninkii Hooyadii qoraxda u jiiday Aayadii hadh ma geeyo].

Faa,iidadii Jwxo-shiil, waxay noqotay sida maanta ay qoreen masuuliyiinta labadan gabal waxaana xaqiiq ah in kuwo kalena raaci doonaan, waxaanse iyadu cafis lahayn dambiga uu Jwxo-shiil ka galay halganka iyo halyeeyada.

Hoos bal akhriya si,aad markhaati uga noqotaan dambiga uu Jwxo-shiil ka galay dalkeena iyo dadkeena.

— Afder Maxay tidhi

Gobolka afdheer ma joogaan mucaarad

Hargeelle: (Afdher) Qaar ka mid ah degmooyinka gobolka afdheer waxaa ka dhacay bilihii aynu soo dhaafnay nabadgeliyo darro muddo maalmo ah ka jirtey waxaana la xaqiijiyey in dadkii falalakaas fuliyey ay ka faa`iideysteen maamulkii gobolka afdheer ee xilligaas oo gudan waayey shaqadiisii.

Dhammaan falalkii ka dhacay gobolka afdheer waxay ahaayeen falal ay ka dambeeyeen maamulka heer gobol iyo heer Kilil-5aad mana jiraan dad reer afdheer ah oo ka tirsan ama taageera ururada mucaaradka ku ah dowladda sidaas waxaa afdheer.com u sheegay muwaadin deggan gobolka afdheer.

Xuuraan kadib waxaa la ogaaday in aysan joogin cumaaradku gobolka afdheer, saraakiil iyo madax loo diray miyiga gobolkan waxay soo xaqiijiyeen in aysan joogin goobihii ay tageen mucaarad ama kooxaha ka dagaalama gobolada kale ee Ogaden dalka Itoobiya.

Gobolka afdheer oo nabad ahaa muddo dheer ayuu maamulka Kililka 5aad ee hadda jiraa ku tiriyey gobolada ay mucaaradku ka jiraan, hadalkaasoo kadib waxaa gobolka afdheer ka dhacay falal uu ku dhintey 1 ruux 3 kalena ku dhaawacmeen, dadka deggan afdheer iyaga ayaa doortay nabad aan illaa hadda waxba iska baddalin.

Hoggaanka Kililka 5aad wuxuu caddaadis saaray goboladii nabaddu ka jirtey wuxuuna iska horkeenay shacabka iyo dowladda deegaanada uu xadgudubyada ka wado maamulka kilil 5aad waxaa ka mid ah Shiniile, afdheer iyo Liibaan.

—– Qoraxeey Maxay tidhi

Korahe Administration Confirms no Movement of Anti-peace Elements
May 26, 2009

Kebridahar, [May 26, 2009] – The Korahe zone administration in the Somali state said that there is no movement of anti-peace elements in the zone.

Korahe, Chief Administrator, Beshir Ahmed Awar told wic that the administration detects no activities of anti-peace elements in all the 25 woredas of the zone.

The Chief Administrator indicated that the movement of the anti-peace elements has been watered down due to lack of support from the public in the state and the conducive atmosphere created in the state for development forces.

Religious and traditional leaders, women and the youth have contributed a lot in the effort made to ensure peace in the zone, he said.

Therefore, he said a peaceful situation is now ensured in the zone and the zonal administration is ready to support investors who would like to do businesses in the area.

The fact that public and the zone administration are closely working in various aspects gave the anti peace forces no ground to operate in the area, the Chief administrator said.

Arimaha Siyaasada
rasaas.com