Hal Calan, Hal Duq, Dad Yar iyo Waardiye Qorya Haysta oo Didsan!

 

Ishaa kuu macalin ah in Ogadeen ay intaasi ka timid, maya ha khaldamin waa uun reer haruun, mase tahay xili dadka sawir lagu khaldi karo, beesha Jwxo-shiil-na, in ay isu camirto caado ayey u leedahay, waana ta ka muuqata kulankooda.

Jwxo-shiil, oo ka soo baxay Isbital lagu daweynayey oo ku yaal South Afrika, ayaa waxaa uu maalmahanba ka baryayey beeshiisa bal in loo qabto kulan uu ka dhex muuqdo, si uu u fidiyo maxaabsiga haganka beenta ah ee ay beeshiisu ku ganacsato.

Kulanka loo qabtay Jwxo-shiil, waxaa ka raacay ceeb iyo fadeexad aad u weyn, oo ah in ay u soo xaadireen 20 ruux oo reerkiisa ah, awal hore waxaa uu ka caban jiray hal beel oo ka mid ah beesha reer Cabdile. Waxaase yaab noqotay kolkii kulanka loo diiday in ay soo galaan guud ahaan beesha reer Cabdile iyo beelaha kale ee Ogadeen oo uu kuligood Jwxo-shiil iyo beeshiisu ay cabsi wayn ka qabaan.

Sida ay wararku sheegayaan, Jwxo-shiil waxaa lagu waardiyeynayey qoryo, waardiyaashana waxaa madax u ahaa wiilka uu adeerka u yahay ee la yidhaahdo Fu,ad Cali Cumar. Jwxo-shiil iyo beeshiisa oo burburiyey halgankii umada Somalida Ogadeeniya, kana dhigtay halgankii ay ummadu lahayd ganacsi ay ku shaqaystaan, ayaan iyagu dan iyo aabo u lahayn in ay cidi u timaado iyo in kale kaligoodna camiraad isugu filan.

ummada Somalida Ogadeeniya, ayaan iyagu dan iyo aabo ka lahayn wax kasta oo uu Jwxo-shiil sheegto iyo calan kasta oo uu qaato. Sababta oo ah hore ayaa loogu kala baxay in wax la isu sheego ama la isweydiiyo, kolkii la arkay caqli xumada Jwxo-shiil iyo beeshiisa oo iyagu si caqli daro ah isugu camira iyaga oo ku maxaabsada halganka, ayaa faraha looga qaaday, waana waxaas wax ka dhacay South Afrika.

Jwxo-shiil, waxaa uu dhextaagan yahay caruur uu u noqon karo awoowe, kumana jiro hal nin oo gadhmadoobe ah, haween ma imanin cabsi laga qabo buuq, waxaa kale oo la helay hal calan oo uu hoosta ku watay Jwxo-shiil.

Waxaa cidla dhigay halgankii ay waday Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [Jwxo], Jwxo-shiil iyo beeshiisa mana ah markii ugu horeysay ee ay beesha Jwxo-shiil burburiyaan halgan ay ummada Somalida Ogadeeniya leedahay ee waxaa sidan oo kale sameeyey Makhtal Daahir, kolkii uu xilka kala wareegay Maxamed Xaashi Xidhkayoome sanadkii 1964.

Ha la yaabina maanta waxa uu samaynayo Jwxo-shiil waxaa ay daba socotaa taariikhda madow ee ay mareen Makhtal Dahir iyo Axmed Cumar Jees [SPM].

Arimaha Jwxo-shiil
rasaas.com

rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo