Hailemariam Desalegn oo Booqasho Ku Imanaya Jijiga

 

HailemariamJijiga, Apr 22, 2014 – Raysal wasaaraha Atobiya Hailemariam Desalegn, ayaa la sheegayaa in uu booqasho ku imanayo magaalada Jijiga, xarunta Ismaamulka Somalida.

Safarkan Desalegn waxaa uu dabo socdaa kulamo uu dhawaan la qaatay xubnaha degaanka Somalida ugu jira baarlamanka federalka iyo xubno kale oo ka soo jeeda degaanka mucaaradna ku ah madaxwayne Cabdi Iley.

Booqashada Desalegn ku imanayo Jijiga, waxaan ka soo xiganay Ogadentoday, oo qortay in booqashadu timid ka dib wada tashi iyo dacwaddo badan laga geeyey madaxwaynaha degaanka Somalida.

Madaxwaynaha iyo xubno federal ah, ayaa baryahan waday socdaalo jaha wareer ah oo lagu hubinayey hawlaha dib u dajinta, oo bilowday afar sano ka hore, laakiin ayna fari ka qodnayn.

Raysal wasaare Desalegn, oo ay awoodiisu kooban tahay, ayaa shaqada ka caydhiyey dhawr madaxwayne maamul gabaleed iyo safiiro, taas oo muujinaysa in aan la dhayalsan karin kobaca awoodisa siyaasadeed.