Haddaad Musuq Diiday, Daryeel Shaqadaada/ WQ Abdirashid Jire Qalinle

 

Talaabooyin ayna ka fiirsan  ayey qaadaan masuuliyiinta ugu sareeya dawlad degaanka Somalida Itobiya, kuwaas oo badanaaba ah kuwa shakhsiyadeed nacayb iyo jacayl kuu doono ha ahaadee, arintaas oo waxyeelo soo gaadhsiisa habsami ugu shaqaynta dadweynaha degaanka Somalida.

Sannadkii tagay ayey aheyd markii aan booqasho ku tagnay dhulkeenii hooyo oo aan si aan la qiyaasi karin ugu faraxnay horumarka iyo nabadda ka jirta degaankeenii, inkasta oo uu ahaa safar deg deg ah oo muddo gaaban ah haddana waxyaabo badan oo indhaheena soo jiitay ayaan soo aragnay oo aan na looga sheekeyneyn mar danbe, Waxaa ka mid ahayd meelihii indhahayaga aad u soo jiitay xarun aanan ku arag meel kale oo degaanka, taasoo indha-sarcaad nagu noqotay dhanka dhismaha xafiisyada iyo dhanka guryaha madaxda iyo shaqaalaha, kuwaasoo aad mooeyso inaad joogto meel ka mid ah waddamada horumaray ee galbeedka.

waxaa halkaa naloogu sameeyey martiqaad aad loo soo agaasimay oo cunto aan weli xasuusteeda naga go’in nalgu soo dhaweeyey, taasoo naloo sheegay in cunnadii meeshaa la soo dhigay ay ka koobneyd mid degaankeena ka soo baxday oo aan wax dibadda laga keenay maalintaa la arkin.

Waxaanu booqasho ku tagnay xafiiska ay yaalaan dalagyada kala duwan iyo calafka xoolaha ee ka soo baxa degaankeena kaasoo nooc kasta oo miro ah laga helayey, oo cilmi baaris lagu sameeyey mid kasta ay ka soo baxday natiijo aan horay loo arag, mahadi ha ka gaadhee waxaan la kulanay madaxdii xafiiska waa Dr Ahmed Sheikh Muhumed oo halkaas nagu siiyey warbixin badan.

Intii aan isla joognay ayaa waxaa noo yimid odayaal doonaya in wiil loo shaqaaleeyo oo ay weliba is xigaan Dr Ahmed, anagoo la taagan ayuu jawaab siiyey odayaashii kuna yiri shaqo ma siinayo ninkaa oo dad kaga aqoon badan ayaa jooga oo aan siinayaa , halkaana waxaa nooga soo baxday in aqoonta Dr Ahmed uu u leeyahay hawshaan iyo in uusan ku shaqeyn nidaam musuqmaasuq ah ay ugu wacan tahay horumarka aan aragnay.

Haddaba waxaan maalmahan arkayey war-bixin ku saabsan in shaqadii laga joojiyey Dr Ahmed oo ay guddi qiimeyn ah ka joojiyeen, waxaan is weydiiyey tolow ma waxaa lagu haystaa Dr Ahmed inuu aad uga dheereeyey hay’adahii kale ee degaanka oo la yiri adeer haki xawliga horumarka aad ku socoto waayo faraq weyn ayaa idiin dhaxeeya xaruntaada iyo kuwa kale ee dawladda marka si ay kuu soo gaaraan shaqadaa lagaa joojiyey intii muddo ah, mise waxaa lagu eryey inuu daacad yahay oo aan loo baahneyn daacadnimada.

Hadaba dhamaan dadka ka soo jeeda degaanka ayey ku noqotay arrin aysan fileyn oo ay is-lahaayeen Dr Ahmed maxaa lagu abaalmarin doonaa hawsha uu qabtay ee muuqata meel kastana looga riyaaqay dadkii iyo duunyadiina ay ku diirsadeen.

Abdirashid Jire Qalinle
Khalinle@gmail.com

rasaasa.com