Hadaad Azan Maqasho, Ogow in ay Tahay Kooxda Jwxo-shiil

 

“Hadaan codka iyo ciwaankaba badalo, hadaan carradiyo cidleeyo dhulkaba, oon  cimaamad xidhiyo biddaanad cad, curadadii aan laayey ceeb ka dhaxloo cidhiidhi galo ma ciirsan karee toloyow cafis maygu caawini.” Jwxo-shiil.

Dambiileyaasha tirada yar ee Kooxda Jwxo-shiil, oo dumiyey halgankii loo hanweynaa, ayaan iyagu colaad iyo nabad midna meel ku lahayn bulshada Somalida Ogadeeniya. Waxayna isku dayayaan in ay sameeyaan wax kasta oo ay ku cimri dheeraysan karaan.

Waxaad mudooyin dhawayd maqlayseen in la sameeyey maamul gabaleed wata magac aan raadka ku lahayn taariikhda iyo jiritaanka ummada Somaliyeed, oo la yidh waa Azan.

Azan, waxaa madax looga dhigay Professor Maxamed Cabdi Gandhi, oo ka mid ah aqoon yahanada Somaliyeed. In kasta oo talaabadiisa ay ku dhaliileen aqoonleyda Somaliyeed, oo iyagu ka gaabsada wixii tanfaraaruq ku keenaya carada Somaliyeed.

Ilow aragtida aqoonleyda Somaliyeed, ee ku aadan arligooda.

Wali ma dhex fadhiisateen meelaha shirarka taageerada ah loogu qabto Azania state. Waxaa fajac iyo amakaag kugu noqonaya in shirarka Azania dadka qabanayaa ama imanayaa ay dhamaantood yihiin, taageerayaasha Jwxo-shiil, oo soocan.  Waxa kaliya oo ka maqan waa calaamadihii ay wadan jireen.

Sida la sheegay, Shir ka dhacay magaalada Leiceter ee cariga Ingriiska, ayey dad ka qayb galay sheegeen, in kolkii ay yaabeen ay indhaha la sii raaceen dadkii shirka fadhiyey, saa waaba Maadeey, Diirane, Indho-biyo iyo khaalisa oo dadka dhexdiisa isku qarinaya.

Maadeey, oo si hoose loo waraystay ayaa yidhi “runtii aniga waamo, wajeer iyo Ogaden waa isugu kay mid.”

Dr. Dolal, oo ay bbc-du waraysatay 2004, xiligii uu socday bushiga ONLF, burburiyey, oo ka cabanaya kulan dhexmaray Cabdulahi Yuusuf iyo Jwxo-shiil, wuxuu yidhi “Somaliya in ay qadyadanadu ku dhex milanto diyaar uma nihin.”

Kolkii aanu xogwaraysiyo badan samaynay waxaan helay in Azaniba state, ay tahay kooxda Jwxo-shiil, oo aan biyo ismarinin. Waxaa la sheegay, si ay ku dhacdayba in Jwxo-shiil, ka dhaadhiciyey Professor Gandhi in uu noqdo gaaraa-bidhaan.

Taageerayaasha Jwxo-shiil, oo u badan dad si sahal ah loo duufsan karo, ayaa lagu qufulay gumaysi baa lala dirirayaa. Taageerayaasha Jwxo-shiil,oo aan isku lahjad ahayn, ayaan kala jeclaynba in Kismaayo dawlad gabaleed laga dhiso iyo in Ogadeeniya lagu dilo shaqaalaha u shaqeeya hayadaha gargaarka.

ONLF, intii ayna fasakhin, waxay lahayd hal ujeeddo oo kaliya oo ah; wax ka qabashada Ogadenia, iyo in labada dal waa Somaliya iyo Ethiopia, ay yihiin laba dal oo ku looltama liqida Ogadenia. Arintaas oo in badan ay ONLF isku dayi jirtay in ay dadweynaha Ogadeeniya fahmaan.

Hadab, burburkii ONLF, wuxuu keenay jahawareer ku dhacay dadkii taageeri jiray ururka, marka laga reebo kuwa fahmay in ay nabad qaataan. Kuwii ka shaqeeyey burburka ururka ONLF-na, waxay ku dambeeyaan budhcadnimo iyo in ay kolba dabin meel dhigtaan sidii dabatadii.

Dad badan oo uu Jwxo-shiil, ka mid yahay, ayaa kolba lugtii dhaqaaqda uun raaca, kuwaas oo biirsada uun dhibaato. Shalay buu Jwxo-shiil janan ka ahaa Somaliya, Jabhadii Jwxo way jabtay oo lugtuu ku walaaqay, mar saddexaad ayuu Azaniya awr aan jirin udbo ku rarayaa.

Dadweynaha Somalida Ogadeeniya, waxaa lagama maarmaan ah in ay fahmaan nabad iyo colaadba in ay Ethiopia is huran yihiin, wixii intaa ka soo hadhana ay waali tahay.

Jwxo-shiil, meel iyo mabda,a midna ma leh ee jeebka, jidiinka iyo maalin joog ayuu ku jiraa, jeeskana qabiilbaa jiidanaaya.

Siyaasada maanta jirtaa ma ah, xaalkii nololeed ee jiray 100 sano ka hor, kolkii uu lahaa Xuseen Hudle;

Kalyo nimaan lahayn baan u kicin kaligii meel dheere,
Kismaayo iyo luuq waxay jiraan labo kabaal qaadee
Kobti uu tolkay wada jiray baan u kacayaaye
Halahayoow Kacaamaye lugaha hayga kala reebin

rasaasa.com