Gudoomyaha Jabhada Xoreynta S/Galbeed oo ugu Hambalyeey Shacabka S/Galbeed Munaasabada Ciida

 

Gudoomiyaha Jabahadda Xoraynta S/galbeed Sheekh Ibraahim Sheekh Muxumed, ayaa ugu Hambalyeeyay Guud ahaan Sahacabka Muslimiinta gaar ahaana Shacabka S/galbeed Munaasabadda Ciida, Isaga oo leh Taqabalalaahu Minaa Waminkum Saalixal Acmaal, Wuxuuna urajeeyay inay ku Ciidaan Farxad.

Sidaas oo kale gudoomiyuhu wuxuu Hambalyo u diray Majaahidiinta Jabhadda Xoraynta S/galbeed, ee ka hawl gala Gudaha Dhulka S/galbeed, wuxuuna u dardaarmay Adkaysi iyo Samir, Si aan u gaadhno ujeedadeena oo ah inaaan Gumaystaha ka xorayno Dadkeena iyo Dalkeena ayuu yidhi gudoomiyuhu.

Ugu dambayn gudoomiyuhu wuxuu Guud ahaanba Caalamka Islaamka iyo Soomaalida, gaar aahana Shacabka S/galbeed u Rajeeayay in Ciidan Ciideeda kale Ku gaadhaan Nabad galiyo Caafimaad iyo horomar waxii dhib ahna Alle ka qaado.

Gudoomiyaha Jabahadda Xoraynta S/galbeed, UWSF.

Sheekh Ibraahim Muxumed