Gudoomiyaha Jwxo Eng. Salaxudin oo Waraysi Siiyey BBC-da Isaga oo Jooga Ceelka Gari-go,an.

 

Gudoomiyaha ayaa bishii September waraysigiisii ugu dambeeyey ku sheegay in uu u socdo ceelka istaratijiga ah ee Gari-go,an oo 12KM oo kaliya kaga beegan degmada Shekosh dhinaca galbeedka.

Dhagayso Waraysiga Gudoomiyaha ONLF Eng Salaxudin[mp3player width=200 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/bbcwaraysisalaxcabdi.mp3]

Gari-go,an waxaa uu ka mid yahay ceelasha ugu caansan ceelasha geela ee ku yaal dhulka Somalida Ogadeeniya, waana ceel ay biyihiisu macaan yihiin ama xareed.
Ceelku wuxuu ku yaal laba buurood dhexdood, waxaana soo gala afar jid oo kaliya oo saddex ka mid ah ay yihiin Jiiro sida jiirta Qolad, daba dheer iyo jiirta dhaba jirise.

Ceelka Gari-go,an waa meel aad ugu fiican dhufayska oo ayna diyaarad duqayn karin ciidana soo gali karin. Ceelka Gar-go,an waxaa uu ahaa meeshii lagu aas aasay cwxo, waxaana uu saldhig u ahaa ciidanka onlf muddo dheer.

In kasta oo uu gudoomiyuhu khalday ceelka Gari-go,an kuna sheegay  in uu ka tirsan tahay gabalka Nogob, balse ay tuuladu ka tirsan tahay gabalka Qoraxeey.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu maanta bilowday shirkii 3aad ee golaha dhexe ONLF, uuna socon doono mudo laba maalmood ah.

rasaass.com