Gudoomiyaha Jabhada Xoreynta Somali Galbeed oo Waraysi Siiyey TV Aljazeera

 

Gudoomiyaha Midowga Jabahada Xoraynta Soomaali Galbeed Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen oo u waramay Boga TV-ka Al-jazeera qeybta Afka Carabiga ayaa ugu horeyn sheegay in Cutubyo ka tirsan Jabhadooda ay weerareen ciidamada gumeysiga ee gudaha u galay Soomaaliya wuxuuna sheegay in ay kharaaso aan la xadidinayn ay u geysten ciidamada gumeysiga.

Gudoomiyuhu waxa uu carabaabay in galitaanka ay ciidamada gumeygu gudaha u galeen Soomaaliya uu ku soo aadayo xili adag oo ay Itoobiya ku sagan tahay wuxuuna yiri isagoo arintaa ka hadlaya “waxa ay isku dayaysaa in ay qariso fashikii iyo Jabkii baahsanaa ee soomaaliya iyo ka bixitaankeedi Muqidsho kala barkii January iyo cadhada Shacabka, Itoobiyana waxa uu ku jiraa xaalad nololeed iyo mid amni oo hoos u sii dhacaysa”.

Sida oo kale waxa uu Sheekh Ibraahim sheegay in Itoobiya ay haysato dhibaato ka dhaltay isku daygii Af gambiga Military ee fashilmay 11 Bishan aan ku jiro ee May taas oo siinaysa ayuu yiii ku qanacsanaan toos ah maxaa yeelay galitaanka Dhulka soomaaliya waxaa dhaq dhaqaaq arintaas la xiriira.

Waxa uu Gudomiyuhu mar kale uu carababaay in uu aaminsan yahay in hadafka dhabta ah ee galintaanku uu yahay xalka xalinta mushkiladaha ka jira gudaha Itoobiya , waxaanu sheegay in ay jireen ahdaaf kale oo dibada ah taas oo ka dhigay ayuu yiri sidii aysan Islaamiyiintu u gaari lahay Qasriga Madaxtooyada Caasimada Muqdisho ,loogana shidi lahaa Soomaaliya Dagaalo sokeeyo wuxuuna dhinaca kale sheegay in 20 sano ee soo socda lagu dhex jiro doono magacada qunyar socod , Ahlusuna Wal jamaaca iyo Islaamiyiin xaj jir ah.

Waxa uu Sheekh Ibraahim Itoobiya ku tilamamay in ay tahay meesha laga waxyeeleeyo gobolka inta taariikhda la og yahay, wuxuuna sheegay in aramaha hada jira ay ka dhigan yihiin is labaarintii ay samayn jireen gumeystayaashii hore.

Sheekh Ibraahim ayaa Shacabka Soomaalida ugu baaqay in ay ay is ilaaliyaan marxaladan hadda lagu jiro wuxuuna sidoo kale ugu baaqay in ay dhamaan
dhibaatooyinka jira lagu xaliyo miiska wada hadalka wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in loo diido fursada kuwa kaalmeeyay Cadowga wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya sidii uu Shacabka Soomaaliyeed isaa celiyay ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku soo duulay “waxa ay darba dag ku dhufteen gumeysiga Itoobiya ee soo duulay , waxayna sidoo kale u dhigeen casharo aysan iloobay marxalada tagtay”.

Hadalka Sheekh Ibraahim ayaa ku soo beegmaya xili Xukuumada Itoobiya ay gudaha kaga kacsan yihiin Jabahado kala duwan oo sii xoogaysanayana kalana matalaya Qoymiyado badan oo Itoobiya ku nool sidoo kalena ay sii ifbaxayaan falal lagu af gambinayo maamulka hadda jira, waxaana sidoo kale lagu wadaa in 2 bilood kadib ay dhacaan doorashooyinka guud.