Gudoomiyaha Jabhada UWSLF, oo Waraysi Siiyey Ideecada VOA

 

Gudoomiyaha Jabhada UWSLF, oo u waramayey Ideecada VOA, ayaa sheegay in ay dhacayso xafladii ugu dambaysay ee heshiiskii dhexmaray dawlada Itobiya iyo ururka UWSLF, kaas oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa July 30, 2010.

Waxaa kale oo uu Gudoomiyuhu sheegay in ay ka soo qaybgalayaan xaflada saxiixa heshiiska wufuud ka kala socota dalalka dariska iyo waliba ururka midowga Yurub.

Guddomiyaha oo la waydiiyey in uu sii jiridoono magaca ururka UWSLF iyo in kale, ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya ay ku shaqayndoonaan magaca maamulka Somalida ee ka jira dhulka Somalida Ogadeeniya.
Waxayna ka shaqayndoonaan rabitaanka dadweynaha degaanka Somalida iyo horumarintooda, waxaana uu yidhi “waxaanu ka mid nahay dadka, waa walaalahay, waa Aabayaashana, Hooyooyinkana, waa Ilma adeeradana, waa Somali waana dadkanagii.”

Mar la waydiiyey in uu ururkoodu ka dambeeyey siidaaynta Maxaabiis hore uga tirsanayd ururka ONLF, oo xabsiga laga sii daayey waxaa uu yidhi “ururka ONLF, wadahadal nabadeed ayuu kula jiraa dawlada Itobiya, magacooda ayaana lagu sii daayey.”

Halkan ka Dhagayso Waraysiga Gudoomiyaha

rasaas.com