Gudoomiyaha Jaamacada Muqdishu/Dr. Ali Sheikh Ahmed

 

Ali Sheekh Ahmed AbiibakarGuddomiyaha Jaamacada Muqdishu Dr. Ali Sheikh Ahmed Abiibakar, oo booqasho ku tagay degmada Raaso, ayaa waraysi gaar ah siiyey bog ka mid ah boggaga internetka ee degaanka Somalida Ethiopia. Dr. Ali Sheikh, waxaa uu ku dhashay magaalada Dhagaxbuur, ee degaanka Soomaalida Atoobiya, waxaana uu ka mid ahaa dadkii ka qaxay gabalka Ogaden dagaalada ka dhacay sanadkii 1977. Dr. Ali Sheikh waxaa uu ka mid yahay dadka ay Soomaaliya dhalasho rasmi ah siisay.

Dr. Ali Sheikh waxaa uu aas aasay Jaaamacada Muqdishu oo wax wayn ka qabtay waxbarashada Soomaaliya sanadihii dagaalka sokeeye uu ka jiray dalkaas.

Dr. Ali Sheikh Ahmed waxaa uu ka mid yahay dadka sida wayn u taageera degmada Raaso, gaar ahaana dhinaca waxbarashada. Dr. Ali oo si hoose ku tagay degmada Raaso ayaa sheegay in uu wax wayn ka qaban doono dhinaca wabrashada isaga oo sheegay in uu dhawaan u soo diri doono kutub badan iyo macalimiinba degmada.